skip to content
Primary navigation
 

Afaan Oromo | English | Español

Caymiska caafimaadka ayaa kaa caawinaya inaad noqotid mid caafimaad qabtid oo aad noloshaada si buuxda ugu noolaato. Wuxuu sidoo kale kaa ilaalinayaa bixinta kharash aad u sarreeya haddii ay dhacdo jirro ama dhaawac. 

Caymiska MinnesotaCare wuxuu caymis caafimaad oo bilaash ah ama qiimo jaban siiyaa dadka aan haysan fursado kale oo ah caymis caafimaad kuwaasoo ku nool Minnesota. Heerka soo-galootinnimo ma saameynayo u-qalmitaanka ay carruurta da'doodu ka yar tahay 18 sano u qalmaan helidda caysmiska. Codsadayaasha caymisku waa inay buuxiyaan shuruudaha xadka dakhliga iyo xeerarka kale

Waxaad codsan kartaa caymiska MinnesotaCare wakhti walba. Codsiyada waxaa la qaban saacad walba sannadka oo dhan (24/7/365). Ma jiro wakhti kama dambeys ah oo loo qabtay codsashada caymiska; mana jiro lambar xaddidan oo ku aaddan tirada dadka isdiiwaangelin kara.

 

MinnesotaCare waxay kaa caawinaysaa in aad bixiso

Daryeelka caafimaadka ee caadiga ah

  • Arkidda dhakhtarka
  • Adeegyada caafimaadka maskaxda iyo hab-dhaqanka
  • Baaritaannada indhaha iyo muraayadaha/ookiyaalaha indhaha
  • Baaritaanada ilkaha iyo howlaha caafimaadka ilkaha qaarkood
  • Qalabka caafimaadka (tusaale, bakooradda  socodka ee afarta lug leh)
  • Daawada
  • Raajooyinka iyo baaritaanada shaybaarka
  • Daaweynta oogada (Chiropractic)  iyo acupuncture

Daryeelka caafimaadka ee ka hortagga ah

  • Baaritaanka caafimaadka ee sannadlaha ah 
  • Baaritaannada fayoqabka
  • Tallaalka iyo iyo talaal qaadashada
  • Daryeelka uurka iyo doulas (wehelka xilliga foosha)
  • Qorshaynta qoyska (tusaale, ilaalinta dhalmada)
  • Baaritaanka naasaha ee mammogram, baaritaanada qanjirka 'prostate' iyo baaritaanada kale ee kansarka

Daryeelka caafimaadka takhsuska gaarka ah

  • Baxnaaninta (tarabiyda shaqada, jidhka, iyo tan hadalka)
  • Adeegyada isticmaalka walxaha maanka dooriya
  • Maqaarka
  • Qaliink
  • Daryeelka jinsi-xaqiijinta
  • Barnaamijyada waxbarashada gaarka ah ee dugsiyada

Daryeelka caafimadka degdega ah

  • Daryeelka degdega ah
  • Ambalaas (Ambulance)
  • Qolka gurmadka degdegga ah
back to top