10 Siyaabood oo ay Minnesota Medicaid Muhiim kuugu tahay
Xogta waa sannadka 2023#1 Medicaid waa isha ugu weyn ee bixisa caymiska caafimaadka ee Minnesota.
Medicaid, oo loo yaqaan Caawinta Caafimaadka ee Minnesota, waxay dabooshaa caafimaadka dad badan oo gobolka ah in ka badan caymiska Medicare iyo dad ka badan qof walba oo haysta caymisyada kale ee la iibsado. Taasi waxay ka dhigan tahay in Caawimaadda Caafimaadku ay door muhiim ah ka ciyaarto dadka haysta caymiska caafimaadka iyadoo hadda heerka dadka aan caysmiska haysan ee gobolka uu joogo meesha ugu hooseeya oo ah 3.8%
#2 Medicaid waxay u adeegtaa iyadoo ah aasaaska kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee Minnesota.
Medicaid waxay si weyn uga qayb qaadataa waaxda daryeelka caafimaadka ee gobolka, taageertaa kaabayaasha caafimaadka dadweynaha, isbitaalada, xarumaha caafimaadka dhimirka, daryeelka caafimaad ee guriga lagu bixiyo, rugaha caafimaadka bulshada, guryaha xanaannada, dhakhaatiirta, dhakhtarka ilkaha iyo xirfadlayaal kale oo caafimaad oo badan. Waxay Medicaid u adeegtaa oo loogu talagalay bixiyeyaasha adeegyada gobolka Minnesota oo dhan. Iyada oo si weyn loo yareynayo tirada dadka Minnesotan ee aan haysan caymis caafimaad, Caawimaadda Caafimaadka ee Medicaid waxay yareyneysaa kharashka daryeelka aan la bixin kaasoo khatar gelin kara joogteynta adeegyada ka baxa rugaha caafimaadka ama isbitaallada oo waxayna yareynaysaa xaddiga deynta caafimaad ee lagu leeyahay dadka gobolka Minnesota.
#3 Daryeelka caafimaadka ee Minnesota wuxuu ka sarreeyaa gobollada kale.
Waxaan maalgashanna caafimaadka bulshadeena iyada oo loo marayo Medicaid, waxayna taas muujisay natiijo fiican. Tayada daryeelka caafimaadka ayaa aad ugu kala duwan Mareykanka oo dhan, Minnesota waxay si joogto ah uga sarreysaa gobollada kale.
#4 Medicaid waxay ka caawisaa kuwa ugu da'da yar ee naga mid ah inay noloshooda ka billaabaan meel fiican.
Gargaarka caafimaadka Medicaid wuxuu daboolaa 3 ka mid ah 10 carruur ah oo ku dhasho gobolka. Waxay saameyn weyn ku leedahay bulshooyinka Madow iyo Hindida Mareykanka, taasoo daboolaya caymiska 8 ka mid ah 10 carruurta dhalato ee Madow iyo 9 ka mid ah 10 carruurta dhalato ee Hindida Mareykanka. Carruurta yaraanta ku hela caymiska Medicaid waxay helaan caafimaad wanaagsan markii weynaadaan, soo xaadiritaan fiican inta lagu jiro dugsiga, dugsiga sare kama haraan, aaditaanka kuleejka oo kordho, iyo bixinta canshuur dheeraad ah marka loo eego dadka waaweyn ee aan yaraantooda helin caymiska caafimaadka ee carruurta.
#5 Medicaid waa mid ka mid ah maalgashiga ugu waxtarka badan mustaqbalka Minnesota.
In 592,000 oo carruur ah la geliyo caymis waxay ka dhigan tahay in Kaalmada Caafimaadka ay daboolayso qiyaastii 41% carruurta gobolka. Carruurnimadu waa waqti muhiim u ah horumarinta maskaxda, u diyaargarowga dugsiga, waxbarashada iyo caafimaadka inta nolosha ay socoto oo dhan. Firaaq ah caymiska inta lagu jiro waqtigan carruurnimada waxay u horseedaa daryeelka raagay, baahiyaha caafimaad ee aan la buuxin iyo daawooyinka aan la soo qorin ee beddeli kara waddada nolosha ilmaha. Daraasaduhu waxay muujiyeen in sannad kasta oo dheeri ah ee ee carruurtu hesho caymiska Medicaid marka la barbardhigo kuwa aan caymiska lahayn waxay mustaqbalka gacan ka geystaan dakhligooda sare, saacadaha shaqada iyo wax soo saarka shaqada markii ay noqdaan dad waaweyn.
#6 Minnesota waxay u hurtaa inta badan kharashaadka Medicaid ee dadka degaankeenna ugu nugul — oo ah waayeelka iyo dadka naafada ah.
Minnesota waxay ku bixisaa in ka badan 60% lacagaha Gargaarka Caafimaadka adeegyada iyo taageerada loogu baahan yahay dadka naafada ah ama da'doodu tahay 65 ama ka weyn. Si kastaba ha noqotee, kooxdani waxay ka kooban tahay kaliya 14% inta diiwaangashan. Qiyaastii 65% dadka ka diiwaangashan caymiska Minnesota Medicaid waa qoysaska iyo carruurta.
#7 Medicaid waxay bixisaa adeegyo caafimaad oo maskaxeed oo badan oo loogu talagalay dadka Minnesota in ka badan caymisyada kale.
Arrimaha caafimaadka maskaxda waa muhiim marxalad kasta oo nolosha ah waxayna u baahan yihiin adeegyo isdaba joog ah kuwaasoo u dhexeeya ka hortagga ilaa soo kabashada. Nasiib-darro, tirada dadka reer Minnesota ee la kulma dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka ayaa si aad ah kor ugu kacday sanadihii la soo dhaafay, taasoo ka tarjumaysa arrin heer qaran ah. Kororka caafimidka dhimirka la xiriiro wuxuu si gaar ah u saameeyay dhalinyarada Minnesota. Xarumaha Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ayaa qiyaasta in inta badan shantii carruur ah mid ka mid ah ay la kulmaan xanuun dhanka caafimaadka dhimirka ah sannad walba oo la galo. Minnesota Medicaid waxay bixisaa 20% dhammaan daaweynta caafimaadka maskaxda ee gobolka. Minnesota waa inay xaqiijisaa in dhalinyarada iyo dadka waaweynba ay heli karaan gargaarka ay u baahan yihiin, marka ay u baahan yihiin.
#8 Medicaid wuxuu daboolayaa nus ka mid ah daaweynta isticmaalka maandooriyaha ee gobolka.
Dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyaha waxay burburiyaan qoysaska iyo bulshooyinka Minnesota. Daroogada oobiyowdka ayaa ah tan ugu waxyeellada badan in ka badan daroogo kasta oo kale. Tiro badan oo sii kordheysa oo reer Minnesotans ah ayaa lumiya naftooda. Sannadkii 2018, 343 dhimasho oo daroogada oobiyowd ah ayaa ka dhacay Minnesota. Sannadkii 2023, waxay dhimashadu gaartay 1,274. Qiyaastii 450,000 ilaa 500,000 oo reer Minnesotans ah ayaa waxaa si toos ah u saameeyay balwadaha. Inta badan dadka billaabo iska daaweynta daroogada iyo khamriga ayaa dhammaystiro oo waxayna ku guuleystaan yareynta ama baabi'inta isticmaalka walxaha maandooriyaha.
#9 Medicaid waxay daboolaysaa nus ka mid ah kharashka daryeelka muddada-dheer ee Minnesota.
Medicaid — ma ahan Medicare — waa isha ugu horreysa ee daboolida dadka u baahan adeegyada daryeelka muddada-dheer, sida guryaha xannaaneynta dadka weyn, ee gobolka. Dhanka kale, adeegyada daryeelka muddada-dheer ee Medicaid iyo taageerada waxay dadka ku dhex hayaan bulshada iyagoo aan gelin hay'adaha lagu dabiibo.
#10 Medicaid waxay u adeegtaa dadka asal ahaan ka soo jeeda Minnesota oo dhan, gaar ahaan Greater Minnesota.
In kasta oo inta badan daka ka diiwaangashan Kaalmada Caafimaadka ay caddaan yihiin, Kaalmada Caafimaadku waxay daboolaysaa qayb weyn oo ka mid ah dadka Minnesotans kuwaas oo ah Madow, Hindida Mareykanka, Aasiyaanka, Jasiiradda Baasifiga ama dadka jinsiyadaha badan. Taasina waxay saamayn weyn ku yeelataa gobolka oo dhan ee Greater Minnesota. Diiwaangelinta Minnesota Medicaid waxaa si isku mid ah loogu qaybiyaa ku dhowaad inta udhaxeysa aagga magaalooyinka waaweyn ee toddobada degmo ka kooban iyo gobolka weyn ee Minnesota. Si kastaba ha ahaatee dadka Minnesotans ee ku nool gobolka Minnesota oo dhan waxay u badan tahay inay helaan caymiskooda caafimaad ee Medicaid marka loo eego kuwa ku nool aagga magaalooyinka waaweyn.