Dhowaan ma guurtay ama ma qorshaynaysaa inaad dhawaan guurto? Cinwaankaaga ama macluumaadka lagula soo xiriirayo ma isbeddelay?

Haddii aad haysato caymiska Medical Assistance ama MinnesotaCare, maanta cusboonaysii cinwaankaaga, lambarka taleefankaaga, iyo iimaylkaaga. La xiriir degmadaada ama hay'adda Qabiilkaaga Asalka ah (Tribal agency), ama Adeegga Taageerada Macaamiisha Daryeelka Caafimaadka ee DHS, si aad u cusboonaysiiso macluumaadka qaabka lagula soo xiriirayo. Tani waa muhiim si aynu kuula soo xiriiri karno marka la gaaro waqtiga dib loogu cusboonaysiinayo caymiskaaga caafimaadka

mailbox icon

Haddii aad leedahay Medical Assistance

Ama haddii reerkaagu leeyahay labadaba Medical Assistance iyo MinnesotaCare, la xiriir degmadaada ama Qabiilkaaga Asalka ah.

Phone

Haddii aad leedahay caymiska MinnesotaCare

Haddii qof ka tirsan qoyskaaga uusan haysan caymiska Medical Assistance, la xiriir Adeegga Taageerada Macaamiisha Daryeelka Caafimaadka ee DHS Health Care Consumer Support): 651-297-3862 ama 800-657-3672.