Maxaa dhacaya haddii aanan haysan dukumeenti muhaajirinimo?

Afaan Oromo | English | Español

U-qalmitaanka dadka waaweyn ee 18 sano iyo ka weyn ee aan muujin in ay haystaan xaalad muhaajirinimo ayaa dhammaan doona dhammaadka maalinta 31-ka Diseembar, 2025, sababo la xiriira isbeddel cusub oo sharci goboleed ah. Tani waxay ka dhigan tahay in caymiska MinnesotaCare uu joogsado dadkaas ka dib taariikhdaas. Carruurta ka yar 18 sano ee aan muujin in ay haystaan xaalad muhaajirinimo weli waxay sii ahaan doonaan kuwo xaq u leh caymiska MinnesotaCare.Dadkii horey ugu jiray barnaamijkan waxay heli doonaan wargelin boostada ah bisha Noofembar, haddii caymiskooda uu dhammaanayo.

Fadlan si dhow u fiiri boostaada iyo fariimaha qoraalka (text messages) toddobaadyada soo socda si aad u hesho xog dheeraad ah.

U-qalmitaanka Medical Assistance weli isma beddelin waqtigan. Dadka uurka leh ee buuxiya shuruudaha u-qalmitaanka waxay sii ahaan doonaan kuwo xaq u leh Medical Assistance, iyadoon loo eegin xaaladooda muhaajirinimo. Waxaad wax badan ka baran kartaa qaybta lagu magacaabo “Fursadaha kale ee daryeelka caafimaad.”

Fariimaha qoraalka ah

Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota (DHS) waxay u isticmaashaa fariimaha qoraalka ah in ay kula xiriirto dadka ku jira barnaamijyada daryeelka caafimaadka ee gobolka.Waxaan fariimaha kaliya ka soo dirnaa lambarka 28343. Fadlan ku dar lambarkan xiriiradaada (contacts) si aad u ogaatid in fariimaha ay naga yihiin.

Soo sheeg isbeddellada

Soo sheeg wixii isbeddel ah ee ku yimaada xaaladdaada muhaajirinimo ama uurka sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Isbeddelladani waxay kaa caawin karaan in aad sii haysato caymiskaaga caafimaad.

Fursadaha kale ee daryeel caafimaad

Haddii aad u baahato daryeel caafimaad ka dib marka caymiskaagu dhammaado, weli waxaa jiri kara fursado kale oo kuu bannaan:

  • Medical Assistance waxaa la heli karaa dadka soo socda:
    • Dadka uurka leh e buuxiya shuruudaha u-qalmitaanka, iyadoon loo eegin xaaladooda muhaajirinimo, iyo ilaa 12 bilood ka dib marka ay dhalaan.
    • Dadka buuxiya shuruudaha Gargaarka Caafimaadka Degdegga ah, oo bixisa daryeelka xaaladaha degdegga ah ee dad gaar ah marka lagu daweeyo qolka gargaarka degdegga ah (emergency room) ama lagu qaabilo isbitaalka xaalad degdeg ah darteed. 
  • Waxaad heli kartaa daryeel caafimaad xarumaha caafimaadka ee Minnesota iyadoo aan loo eegin awooddaada bixinta kharashka. Raadi xarunta caafimaad ee kuugu dhowa.  
  • Waxa kale oo laga yaabaa inaad u qalanto barnaamijka Minnesota Insulin Safety Net Program. kaas oo bixiya insulin qiimo jaban ah.

Ma ka welwelsan tahay wadaagga xogtaada?

Haddii aad ka walwalsan tahay sida wadaagga macluumaadkaaga dowladda uu u saameyn karo xaaladdaada muhaajirinimo, la hadal qareen muhaajirinimo si aad uga hesho talo ku saabsan xaaladdaada gaarka ah. Laba hay’adood oo ka tirsan Minnesota’s Immigration Legal Services Hub Initiative ayaa bixiya adeegyo sharci oo bilaash ah ama qiimo jaban oo la xiriira muhaajirinimada iyo caawinta faa’iidooyinka dadweynaha:

  • Mid-Minnesota Legal Aid: 877-696-6529
  • Southern Minnesota Regional Services: 877-696-6529

Waxa kale oo aad isticmaali kartaa aaladda “Find an Immigration Lawyer” look-up tool. ee ururka American Immigration Lawyers Association si aad u hesho qareen muhaajirinimo.

Su’aalo ama walaacyo??

  • La xiriir MNsure-certified navigator si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan isbeddellada u-qalmitaanka MinnesotaCare.
  • Haddii aad qabto su’aalo ama aad u baahan tahay caawimaad kugu dhow, wac xariirka gobolka ee Refugee and Immigrant Helpline lambarkiisa yahay 1-800-814-4806 si laguu xiro xog, ilo iyo adeegyo ku yaalla bulshadaada.