Waa imisa kharashka qiimaheedu?

Afaan Oromo | English | Español

Qaar ka mid ah xubnaha MinnesotaCare ayaa bixiya biil bille ah, oo loo yaqaan khidmada caymiska (premium), oo lagu bixinayo caymiskooda. Qadarka lacagta biilku wuxuu ku xiran yahay dakhligaaga, tirada qoyska iyo tirada xubnaha qoyska ee u diiwaangashan barnaamijka.

Dadka qaarkood loogaama baahna in ay bixiyaan khidmada billaha ah ee caymiska:

  • Carruurta ka yar 21.
  • Hindida Maraykanka iyo Dhaladka Alaska iyo qoysaskooda.
  • Xubnaha milatariga iyo qoysaskooda 12 bilood haddii ay xaq u yeeshaan 24 bilood gudahood ka dib markay dhammeeyeen howlgalkooda shaqo.

Kadib markaad codsato, waxaa laguu sheegi doonaa inaad u qalanto MinnesotaCare. Markaa kadib waxaad u baahan tahay inaad bixiso khidmadahaaga caymiska bisha ugu horraysa si uu u bilaabmo caymiskaagu. 

Ogow waxa khidmadahaaga bishii ay noqonayaan adiga oo isticmaalaya shaxdan:

1/1/2026 – 31/12/2026

Tirada qoyska Qof Qof Qof Qof Qof Qof Qof Qof Khidmada bishii* (ku dhufo tirada dadka qoyska ee ka diiwaangashan MinnesotaCare si aad u wadarta guud ee biilka)
Dakhliga sannadlaha Ilaa $5,477 Ilaa $7,402 Ilaa $9,327 Ilaa $11,252 Ilaa $13,177 Ilaa $15,102 Ilaa
$17,027
Ilaa
$18,952
$0
Dakhliga sannadlaha $5,478 ilaa $8,607 $7,403 ilaa $11,632 $9,328 ilaa $14,657 $11,253 ilaa $17,682 $13,178 ilaa $20,707 $15,103 ilaa $23,732 $17,028 ilaa $26,757 $18,953 ilaa $29,782 $4
Dakhliga sannadlaha $8,608 ilaa $12,519 $11,633 ilaa $16,919 $14,658 ilaa $21,319 $17,683 ilaa $25,719 $20,708 ilaa $30,119 $23,733 ilaa $34,519 $26,758 ilaa $38,919 $29,783 ilaa $43,319 $6
Dakhliga sannadlaha $12,520 ilaa $14,084 $16,920 ilaa $19,034 $21,320 ilaa $23,984 $25,720 ilaa $28,934 $30,120 ilaa $33,884 $34,520 tilaa $38,834 $38,920 ilaa $43,784 $43,320 ilaa $48,734 $8
Dakhliga sannadlaha $14,085 ilaa $15,649 $19,035 ilaa $21,149 $23,985 ilaa $26,649 $28,935 ilaa $32,149 $33,885 ilaa $37,649 $38,835 ilaa $43,149 $43,785 ilaa $48,649 $48,735 ilaa $54,149 $10
Dakhliga sannadlaha $15,650 ilaa $17,214 $21,150 ilaa $23,264 $26,650 ilaa $29,314 $32,150 ilaa $35,364 $37,650 ilaa $41,414 $37,650 ilaa $41,414 $48,650 ilaa $53,514 $54,150 ilaa $59,564 $12
Dakhliga sannadlaha $17,215 ilaa $18,779 $23,265 ilaa $25,379 $29,315 ilaa $31,979 $35,365 ilaa $38,579 $41,415 ilaa $45,179 $47,465 ilaa $51,779 $53,515 ilaa $58,379 $59,565 ilaa $64,979 $14
Dakhliga sannadlaha $18,780 ilaa $20,344 $25,380 ilaa $27,494 $31,980 ilaa $34,644 $38,580 ilaa $41,794 $45,180 ilaa $48,944 $51,780 ilaa $56,094 $58,380 ilaa $63,244 $64,980 ilaa $70,394 $15
Dakhliga sannadlaha $20,345 ilaa $21,909 $27,495 ilaa $29,609 $34,645 ilaa $37,309 $41,795 ilaa $45,009 $48,945 ilaa $52,709 $56,095 ilaa $60,409 $63,245 ilaa $68,109 $70,395 ilaa $75,809 $16
Dakhliga sannadlaha $21,910 ilaa $23,474 $29,610 ilaa $31,724 $37,310 ilaa $39,974 $45,010 ilaa $48,224 $52,710 ilaa $56,474 $60,410 ilaa $64,724 $68,110 ilaa $72,974 $75,810 ilaa $81,224 $25
Dakhliga sannadlaha $23,475 ilaa $25,039 $31,725 ilaa $33,839 $39,975 ilaa $42,639 $48,225 ilaa $51,439 $56,475 ilaa $60,239 $64,725 ilaa $69,039 $72,975 ilaa $77,839 $81,225 ilaa $86,639 $37
Dakhliga sannadlaha $25,040 ilaa $26,604 $33,840 ilaa $35,954 $42,640 ilaa $45,304 $51,440 ilaa $54,654 $60,240 ilaa $64,004 $69,040 ilaa $73,354 $77,840 ilaa $82,704 $86,640 ilaa $92,054 $44
Dakhliga sannadlaha $26,605 ilaa $28,169 $35,955 ilaa $38,069 $45,305 ilaa $47,969 $54,655 ilaa $57,869 $64,005 ilaa $67,769 $73,355 ilaa $77,669 $82,705 ilaa $87,569 $92,055 ilaa $97,469 $52
Dakhliga sannadlaha $28,170 ilaa $29,734 $38,070 ilaa $40,184 $47,970 ilaa $50,634 $57,870 ilaa $61,084 $67,770 ilaa $71,534 $77,670 ilaa $81,984 $87,570 ilaa $92,434 $97,470 ilaa $102,884 $61
Dakhliga sannadlaha $29,735 ilaa $31,299 $40,185 ilaa $42,299 $50,635 ilaa $53,299 $61,085 ilaa $64,299 $71,535 ilaa $75,299 $81,985 ilaa $86,299 $92,435 ilaa $97,299 $102,885 ilaa $108,299 $71
Dakhliga sannadlaha $31,300 $42,300 $53,300 $64,300 $75,300 $86,300 $97,300 $108,300 $80

Kharashyada kale

Qaar ka mid ah xubnaha MinnesotaCare ayaa bixiya qayb ka mid ah biilasha kharashka caafimaadka. Wadaagista kharashka waxaa la dhahaa copay (qayb bixin). Waa qaddar cayiman oo aad jeebkaaga ka bixiso oo lagu bixinayo adeeg daryeel caafimaad oo gaar ah.

Dadka qaarkood loogaama baahna in ay bixiyaan qayb bixin:

  • Carruurta ka yar 21 sano 
  • Dadka uurka leh
  • Hindida Maraykanka ee ka diiwaangashan qabiil federaalku aqoonsan yahay
  • Hindida Maraykanka ee ka hela adeegyada bixiyaha daryeelka caafimaadka Hindida ama u soo gudbinta ka timid Adeegyada Caafimaadka Hindida   

MinnesotaCare waxay bixisaa adeegyo badan oo kala duwan oo loogu talagalay daryeelka ka hortaga, daryeelka caadiga ah, daryeelka takhasuska khaaska ah iyo daryeelka xaaladaha degdega ah. Inta badan adeegyada ma laha qayb bixin (copay).  Tusaale ahaan: 

  • $0 daryeelka ka hortaga ah, sida baaritaannada sannadlaha ah, baarista kansarka iyo tallaallada
  • $0 qalliinka bukaan-socodka
  • $0 qalab caafimaadka ee muddada waaraya, sida kuraasta curyaanka, qalbka lugaynta, qalabka ogsijiinta ama qalabka dhiiga lagu baaro ee sonkorowga
  • $0 booqashooyinka dhakhtarka ilkaha
  • $0 qaar ka mid ah daawooyinka caafimaadka dhimirka

Qayb bixinta MinnesotaCare:

  • $25 oo ah dawooyinka astaanta magaca leh ama $10 dawooyinka aan astaanta magaca lahayn oo ah ugu badnaan $70 bishii
  • $28 booqashooyinka xafiiska dhakhtarka
  • $100 booqashooyinka qolka gurmadka degdega ah ($0 qayb bixin haddii booqashada ER ay keento jiifinta cusbitaalta)
  • $250 isbitaal jiifinta bukaanka 
  • $45 booqashada adeegyada raajada, sida X-ray-ga
  • $10 halkii xabo ee muraayadaha indhaha 

Waxaad si toos ah daryeel bixiyahaaga u siinaynaa lacagta qayb bixintaada. Daryeel bixiyeyaasha qaarkood waxay u baahan yihiin inaad bixiso qayb bixinta kahor inta aadan helin adeegyada caafimaadka.

Kuwani waa kharashyada kaliya ee xubnaha MinnesotaCare ay ku bixiyaan adeegyada ku jira caymiska. Xubnaha MinnesotaCare ma leh kharashka kharash wadaaqa. (Kharash wadaagu (deductibles) waa qaddar lagaa rabo oo ay tahay inaad jeebka ka bixiso kahor inta aan caymisku bixinin biilashaada caafimaadka.)