EnglishEspañol | Lus Hmoob

Bishii Luulyo 4, 2025, Madaxweyne Trump wuxuu saxiixay sharci cusub oo keenaya isbeddel weyn oo ku yimaada Medicaid, oo ah barnaamij caymis caafimaad oo heer federaal ah kaasoo loogu yeero Medical Assistance in Minnesota (Caawimaadda Caafimaadka ee Minnesota). Dhammaan gobollada waa inay hirgeliyaan isbeddelada sharcigan, kuwaasoo ay ku jiraan shuruudo dheeraad ah oo la xiriiro xaq-u-lahaanshaha caymiska. 

Iyada oo la raacayo himiladeenna ah inaan ka caawinno dadka reer Minnesota inay ku noolaadaan nolol caafimaad leh oo buuxda, Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota (DHS) ayaa kugu wargelin doonta isbeddelada soo socda si aad wax ugu qorshaysid naftaada iyo tan qoyskaaga haddii ay si toos ah kuu saameynayaan isbeddelladaan.  

Weli waxba isma beddelin. Isbeddellada ugu horreeya ma dhaqan geli doonaan ilaa laga gaaro dayrta 2026. Tani waxay DHS siinaysaa wakhti ay dib ugu eegto wixii faahfaahin ah, wakhti ay ku hesho macluumaad dheeraad oo dowladda federaalka ka yimid, iyo wakhti ay reer Minnesota si cad ugu gudbiso isbeddellada. Ka fiiri boggan wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan sida isbeddelladani kuu saameyn karaan. Waxaan boggan ku soo qori doonnaa warar hadba sida aan u helno macluumaad dheeraad ah.


Waa maxay isbeddelladan, qofkee ayay saameynayaan iyo goorma?

Maxay: Shuruudaha Shaqada
Qofma: Dadka da'doodu u dhaxayso 21 ilaa 64 sano jir oo aan lahayn carruur ku tiirsan, uur aan lahayn kuwaasoo aan helin Caawimaad Caafimaad oo ku saleysan naafannimo
Goorma: Jan. 1, 2027 

Maxay: Cusbooneysiinta soo noqnoqda
Qofma: Dadka da'doodu u dhaxayso 21 ilaa 64 sano jir oo aan lahayn carruur ku tiirsan, uur aan lahayn kuwaasoo aan helin Caawimaad Caafimaad oo ku saleysan naafannimo
Goorma: Jan. 1, 2027 

Maxay: Xaddididda caymiska daboolaya kharashaadka hore
Qofma: Dadka codsanaya Kaalmada Caafimaadka ka hor ama maalinka Jan. 1, 2027
Goorma: Jan. 1, 2027 

Maxay: Wadaagista Kharashka Adeegyada Qaar Ka Mid
Qofma: Dadka qaarkii ee da'doodu u dhaxayso 21 ilaa 64 sano jir oo aan lahayn carruur ku tiirsan, uur aan lahayn kuwaasoo aan helin Caawimaad Caafimaad oo ku saleysan naafannimo
Goorma: Oct. 1, 2028 

Maxay: Isbeddelka xaq-u-lahaanshaha qaar ka mid ah soo-galootiga
Qofma: Kaliya dadka sharciga ah ee deggenaansha haysta, soo galootiga Kuuba iyo Hayti, iyo soo-galootiga ku joogo HeshiiskaCompact of Free Association (COFA) waa ay u qalmi doonaan caymiska. Dadka aan u qalmi doonin waxaa ka mid ah dadka waaweyn ee da'doodu ka weyn tahay 21 sano oo ah qaxooti, dadka loo oggolaaday inay dalka soo galaan sababo bini’aadantinimo, dadka la siiyay magangelyo, qaar ka mid ah lamaanayaasha iyo carruurta la dhibaateeyay, kuwa dhibbanayaasha u ah ka ganacsiga dadka, iyo kuwa kale ee loo oggolaaday inay joogaan sababo bini’aadantinimo darteed.
Goorma: Oktoobar 1, 2026

Maxaan sameeyaa?

Ma jiraan wax ka duwan wixii hore oo aad u baahan tahay inaad hadda sameysid si aad u haysatid caymiskaaga caafimaadka. Xasuusnow inaad:  

Si aad wax badan uga ogaatid ama aad u wadaagtid sheekadaada ku saabsan caymiska Medicaid: 

  • Booqo mn.gov/dhs/medicaid-matters si aad u hesho macluumaad ku saabsan doorka muhiimka ah ee uu caymiska Medicaid ka ciyaaro caafimaadka iyo fayo-qabka qof ka mid ah shantii qof ee reer Minnesota ah. 
  • Booqo mn.gov/dhs/medicaid-matters/faces-of-medicaid si aad u sharraxdo sababta Medicaid muhiim kuugu tahay, oo akhri sheekooyinka ay wadaagaan dadka kale ee reer Minnesota.

Qofkee ayaysan saamayn doonin arrimahaan?

Kaalmada Caafimaadka waxay door weyn ka ciyaartaa horumarinta qaybta daryeelka caafimaadka ee Minnesota iyo caafimaadka dadweynaha. Sidaas awgeed, dad badan oo reer Minnesota ah ayaa laga yaabaa inay la kulmaan saameynno dambe oo ka dhalan doona isbeddelladan waaweyn. Si kastaba ha ahaatee diiwaangelinta Kaalmada Caafimaadka ee hadda jirta badankooda isbeddeladan si toos ah uma saameyn doonaan haddii ay: 

  • Helaan caymis ku salaysan naafannimo 
  • Da'du tahay 65 jir ama ka weyn 
  • Da'du tahay 20 jir ama ka yar 
  • Ay qof leedahay uur

Maxaa isbeddelaya qorshayaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay?

Isbeddellada federaalku waxay ka dhigan yihiin kaalmo dhaqaale oo yar oo ay heli karaan qoysaska qaarkood. Laakiin dad badan oo reer Minnesota ah weli waxay u qalmi doonaan kharash beekhaamin weyn oo ku aaddan qorshayaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay iyada oo loo marayo MNsure.

Wax badan ka ogow MNsure.org/fedchanges

Email Updates

To sign up for updates or to access your subscriber preferences, please enter your contact information below.
Message and data rates may apply. Reply HELP for help, STOP to cancel. Message frequency varies. Terms and conditions. Privacy policy.