skip to content

Dadku waxay fiirin karaan in foomamkoodii dib u cusbooneysiinta caymiska Medical Assistance iyo MinnesotaCare ay boostada imanayaan

6-21-2023

Dadka reer Minnesota ee haysta caymiska Medical Assistance iyo MinnesotaCare waxay hadda fiirsan karaan bisha ay filan karaan in foomamkooda dib u cusbooneysiinta caymisku ku soo gaaraan boostada.

Dadku waxay bishood cusbooneysiinta ka eegi karaan barta mn.gov/dhs/renewmycoverage/.

Si ay fiirinta u adeegsadaan, dadk waa inay geliyaan lambarkooda kiiska ee ku qoran ogeysiisyadooda ama waraaqaha lacagta caymiska iyo lambarka xubinta ee ku qoran kaarkooda Barnaamijka Daryeelka Caafimaadka Minnesota.  Haddii qofku aanu aqoon lambarkooda kiiska ama xubinta, waxay wici karaan shaqaalaha degmadadooda ama maamul qabiileedkooda.

Marka foomamka la keeno, waa muhiim inaad dhammeystirto oo soo celiso adigoo soo raacinaya wixii dukumeentiyo kale muhiima ah. Haddii dad u qalm caymisku aanay soo celin foomamka, waxa laga yaabaa inay caymiskooda lumiyaan. Sii haysashada caymisku waxay fududeysaa helista daryeelka caafimaadka oo waxay ka hortagtaa in xaaladda sinnaan la'aaneed ee adeegyada caafimaadka ka sii darto.

"Dadka waa u muhiim inay tallaabo qaadaan marka foomamkooda dib u cusbooneysiintu ku soo gaaraan boostada," sidaas waxa tidhi Guddoomiyaha Adeegyada Aadamaha Jodi Harpstead. "Sii fiirinta cusbooneysiintu waxay u sahleysaa inay ogaadaan xilliga ay tahay inay fiiriyaan boostadooda si ay u qaban karaan wax kasta oo suurtogal ah una sii haystaan caymiskooda."

Waqtiga dib u cusbooneysiinta caymiska Medical Assistance wuxu ku saleysan yahay bisha ay heleen caymiskoodii ugu horreeyay. Haddii qofku u qalmay helista caymiska Agoosto 2019, bishooda dib u cusbooneysiintu waa Agoosto, waxayna filan karaan in foomamku soo gaaraan boostadooda bisha Juun.

Dadka haysta caymiska MinnesotaCare waxay filan karaan in foomamkooda dib u cusbooneysiintu soo gaaran ugu dambeyn Noofeembar.

Hal ka mid ah afartii qof ee reer Minnesota ah ayaa caymiska ka hela Medical Assitance ama MinnesotaCare. Shaqaalaha Gobolka, degmada iyo maamul Qabiileedka ayaa qaab bille ah u fiirin doona u qalmista 1.5 milyan oo qof illaa Maajo 2024.

DHS waxay dhaqangeliyeen qaab isticmaalayaasha ku habboon oo ay dib u cusbooneysiinta ugu gudbin karaan isticmaalayaasha, sida farriimo qoraal ah oo dadka xasuusinaya inay fiirsadaan boostadooda oo foomamka waqtigooda ku soo gudbiyaan. Ashkhaastu waxay sidoo kale nidaamyada dib u cusbooneysiinta ku dhammeystiri karaan iyagoo dukumeentiyada ku soo gudbinayo onlaynka ama taleefan ahaan.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dib u cusbooneysiinta ka hel halkan https://mn.gov/dhs/renewmycoverage/

back to top