skip to content
Primary navigation

Dadku waxay u baahan yihiin caawimaad. Taasi waa sababta aan halkan u joogno.

Si aad u aragto caawimada aad heli karto adiga iyo qoyskaaga, raadi barnaamijyo ay heli karaan dadka reer Minnesota ee u qalma.

 

Cudurka Fayraska Korona 2019 (COVID-19)

staysafe-logo-480x76

Amarada Fulinta ee Badhasaabka waxay abuuraan dabacsanaan si loogu adeego dadka reer Minnesota ee nugul inta lagu gudajiray Cudurka faafa ee COVID-19: Barasaabka Tim Walz wuxuu siiyay Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota awood ku meel gaadh ah oo deg deg ah inay wax ka bedesho shuruudaha maamulka iyo sharciyeynta ee gargaarka cuntada, daryeelka guriga, daryeelka caafimaadka bulshada iyo barnaamijyada kale ee gobolka iyadoo laga jawaabayo cudurka faafa ee COVID-19. Ka hel liistada dhammeystiran ee dhaafitaanka kumeelgaarka ah iyo wax ka beddelada barnaamijka.

Isbeddelada qaarkood ee lagu sameeyo barnaamijyada adeegyada bulshada ayaa lagama maarmaan u ah ilaalinta adiga iyo shaqaalahaaga kiiska inta lagu jiro aafada iyo in la siiyo tiro badan oo dad ah. Akhriso isbeddelada.

vaccine-connector-get-connected-square-3-600x600Isku-xiraha Talaalka

Isku-xiraha Talaalka COVID-19 ee Minnesota waa aalad ka caawisa reer Minnesota inay ogaadaan goorta, goobta, iyo sida loo helo tallaalka COVID-19. Ka dib markaad buuxiso foom fudud, Isku-xiraha Tallaalka ayaa kugu wargalin doona markaad uqalanto inaad hesho tallaal, wuxuu kugu xiri doonaa ilaha si aad u jadwalaysato ballan tallaal oo uu kuu ogeysiiyo haddii ay jiraan fursado tallaal oo deegaankaaga ah.

Tag Isku-xiraha Talaalka>

Foomka IRS 1095-B ee 2020 ayaa la heli karaa markii la codsado

DHS waxay boosta ku soo diri doontaa foomka oo keliya markii ay codsadaan Medical Assistance iyo kuwa ka diiwaangashan MinnesotaCare. Si otomaatig ah uma diri doonno foomka. Raac tilmaamaha ku yaal boggan si aad u codsato foomkaaga 1095-B.

 
back to top