skip to content
Primary navigation
coverage-form-600x800

Ma u baahan tahay caymiska daryeelka caafimaadka?

Barnaamijyada daryeelka caafimaadka dadweynaha ee Minnesota waxay caymiska daryeelka caafimaadka siiyaan dadka reer Minnesota ee dakhligoodu hooseeyo ama aan haysan dakhli. Waxaan ku dhiirigelinaynaa qof kasta oo u baahan caymiska caafimaadka inuu codsado si loo arko inuu u-qalmo Kaalmada Caafimaadka ama MinnesotaCare, oo ay ku jiraan dadka reer Minnesota ee saacadaha shaqo laga dhimay, laga joojiyay shaqada ama waayay shaqooyinkoodii.

Kaalmada Caafimaadka waa barnaamijka Medicaid ee Minnesota. MinnesotaCare waa barnaamij khidmad ku saleysan oo loogu talagalay dadka dakhligoodu badan yahay si ay ugu qalmaan Kaalmada Caafimaadka balse laga helo lacag aad u yar si ay u bixiyaan caymiska gaarka ah. Dadka u-qalma MinnesotaCare marnaba ma bixiyaan wax ka badan boqolkiiba $80 qofkiiba oo loogu talagalay khidmadooda. Barnaamijyadu waxay leeyihiin xaddi dakhli iyo hanti kuwaasoo ku xiran da'daada, cidda aad la nooshahay, iyo inaad uur leedahay, indhoole ama naafo tahay ama in kale. Waxay bixiyaan caymis buuxa, oo ay ku jiraan macaashyada ilkaha iyo aragga iyo adeegyada caafimaadka habdhaqanka.

Sida loo codsado

Inta badan dadka reer Minnesota waxay ka codsan karaan barnaamijyadaan onlaynka iyagoo u maraya MNsure, suuqa caymiska caafimaadka ee Minnesota. Waa kuwaan qaar ka mid ah tilmaamaha loogu talagalay buuxinta barnaamijka onlaynka ah ee MNsure. Wax badan ka ogow codsashada

Dadka qaarkood waa inaysan codsan iyagoo u maraya MNsure. Dadkaani caadi ahaan waa waayeelada iyo dadka naafada ah:

Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo codsiga?

Caymiska caafimaadka waa mid adag. Ma ahan inaad keligaa xalliso.

Ku xirnow jiheeye ka mid ah bulshaada si uu kaaga caawiyo inaad isdiiwaangeliso. Jiheeyeyaasha waxay kugu caawin karaan dhowr luuqadood oo kala duwan. Raadi diiwaanka luuqadda kuugu fudud adiga taasoo laguula soo xiriiro.

  • Ka wac Taageerada Macmiilka Daryeelka Caafimaadka ee DHS lambarka 651-297-3862 ama 800-657-3672 si lagaaga caawiyo su'aalaha ama si aad u hesho codsi warqad ah.
  • La xiriir ismaamulkaaga ama xafiiska qabiilkaaga.
  • Haddii aad naafo tahay, kala xiriir Xarunta Disability Hub MN lambarka 866-333-2466.
  • Haddii aad tahay 65 jir ama ka weyn, kala xiriir Senior LinkAge Line lambarka 800-333-2433.

Uma qalantid sharcigaaga socdaalka awgiis?

Kaalmada Caafimaad ee Degdegga ah (EMA) waxay caymis siisaa dadka reer Minnesota ee aan sharciga haysan ee aan lahayn xaalad socdaal oo loogu qalmo Kaalmada Caafimaad. EMA waxay dabooshaa xaaladaha caafimaad ee aan la daaweyn 24-48 saac gudahooda ee:

  • Caafimaadkaaga gelin kara halis daran.
  • U keeni kara dhaawac halis ah sida uu u shaqeeyo jirkaaga.
  • U keeni kara cillad daran mid ka mid ah xubnahaaga ama xubnaha jirkaaga.

Xaaladaha caafimaad ee degdegga ah waxaa ka mid ah foosha iyo dhalmada.

Kaalmada Caafimaad ee Degdegga ah waxaa sidoo kale laga yaabaa inay daboosho daryeelka iyo daawaynta xaaladaha iyo adeegyada kale ee lagu bixiyo goobaha kale, oo ay ku jiraan kansarka, sifaynta, beerista kelyaha, iyo daryeelka lagu helo hoyga xannaanada, xarumaha daawaynta dhimirka, goobaha bulsheed iyo guryaha.

Waad codsan kartaa Kaalmada Caafimaadka Degdegga ah adoo u maraya ismaamulkaaga ama xafiiska qabiilkaaga.

Ma ugu baahan tahay caawimaad luuqadaada?

Wac Khadka Caawinta ee COVID-19 ee Qaxootiga iyo Soogalootiga si aad u hesho macluumaadka goobaha baaritaanka iyo taageerada caafimaad ee la xiriirta.

651-318-0989
Soo-wacayaasha ayaa sidoo kale ka heli kara caawimaad ku saabsan macluumaadka baahiyaha aasaasiga ah, taageerada waxbarasho ee fog, shaqada iyo shaqaalaynta, baahiyaha dhaqaale iyo habka loo maro dhalashada muwaadinimo. Shaqaalaha Khadka Caawinta waxay ku hadlaan Amxaari, Anuwaak, Carabi, Faransiis, Hindi, Karen, Lingala, Luganda, Mashi, Oromo, Soomaali, Isbaanish iyo Sawaaxili. Khadka caawinta luuqadeed ayaa laga heli karaa luuqad kasta oo kale.

Khadka caawinta wuxuu furan yahay 9 subaxnimo ilaa 5 galabnimo Isniinta ilaa Jimcaha.

Hubinta marin u helitaanka daryeelka

Waaxda Adeegyada Dadwaynaha waxay samaysay dhowr isbaddal oo kumeelgaar ah si ay ugu fududaato isqorayaasha Medical Assistance iyo MinnesotaCare inay haystaan caynsanaantooda iyo marin u helitaankooda daryeelka si badbaado leh muddada lagu jiro safmareenka.

  • Waad haysan doontaa caynsanaanta Medical Assistance iyo MinnesotaCare illaa inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah ee wakhtiga nabadda ah ee COVID-19 haddii aad ka guurto gobolka ama si ikhtiyaari ah aad u weyddiisato in la xiro kiiskaaga.
  • Hadda waxaad u haystaa marin ballaaran isgaarsiinta caafimaadka (telemedicine): wicitaannada telefoonka hadda waxa loo arkaa booqashada isgaarsiinta caafimaadka, ma laha xaddid tirada booqashooyinka isgaarsiinta caafimaadka ee aad heli karto toddobaad gudihiis, booqashadaada ugu horreysa ee bixiyaha daryeelka ayaan hadda waxa ka dambeeya u baahnayn waji ka waji in la isku arko, waxaanad hadda marin u heli kartaa daawayn intii hore ka badan badan oo caafimaadka dhimirka ah iyo jirrada isticmaalka maandoriyaha daaweynteeda oo loo maro isgaarsiinta caafimaadka.
  • Waxaad hadda heli kartaa sahay 90-maalmood oo ah daawooyinka aan la-kantaroolin ee u dhakhtarku qoro ee joogtaynta ah.
  • Haddii aad hesho adeegyada guriga- iyo jaaliyadda- salka ku haya ee hoos yimaad Gargaarka Caafimaadka (Medical Assistance), waxaad ku heli doontaa qiimayntaada oo lagu hawlgaliyo telefoonka ama booqashada, oo maareeyaha kiiskaaga ayaa kula hawlgalin kara telefoon ama fiidiyow booqashooyinkaaga.
  • Maamulaha kiiskaaga ayaa ku hawlgali kara telefoonka ama fiidiyaha booqashooyinka loogu talagalay adeegyada qaarkood ee maaraynta bartilmaansan ee kiiska.

Baaritaanka COVID-19 ee, tallaalada iyo daawaynta bilaashka ah

Haddii aadan haysan caymis

Dad badan oo reer Minnesota ah oo aan caymis haysan ayaa laga baari karaa COVID-19 iyagoo aan wax kharash ah bixin inta lagu gudajiro xaaladda degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha ee dawladda dhexe. Laga bilaabo Maarso 11, 2021, reer Minnesota waxay sidoo kale u heli karaan tallaalo iyo daaweyn bilaash ah cudurka COVID-19.

Si aad u hesho caymis bilaash ah oo loogu talagalay baaritaanka, tallaalada ama daawaynta COVID-19 waa inaad:

  • Tahay deggane reer Minnesota ah.
  • Tahay muwaadin Ameerikaan ah, dhalad Ameerikaan ah ama qof muwaadin ahayn oo si sharci ah ugu joogo xaalad socdaal oo u-qalanta Kaalmada Caafimaadka.
  • Bixi lambarkaaga Sugnaanta Bulshada haddii aad ka-dhaafitaan u wajahdo inaad mid lahayn mooyee.
  • Aadan ka diiwaangashanayn caymis caafimaad oo kale.

Weydii bixiyaha daryeelka caafimaadka ee samaynaya baaritaankaaga COVID-19, tallaalkaaga ama daawayntaada codsiga lagu daboolayo kharashka baaritaanka, tallaalka ama daaweynta cudurka COVID-19. Bixiyaha ayaa soo gudbin doona codsigaaga, waxaadna boostada ku heli doontaa ogeysiis ku saabsan in la ansixiyay ama la diiday.

Ama, gal onlaynka oo ka daabac codsiga laftaada https://edocs.dhs.state.mn.us/lfserver/Public/DHS-7310-ENG oo buuxi.

Ku xirnow jiheeye ka mid ah bulshaada si uu kaaga caawiyo inaad isdiiwaangeliso. Jiheeyeyaasha waxay kugu caawin karaan dhowr luuqadood oo kala duwan. Raadi diiwaanka luuqadda kuugu fudud adiga taasoo laguula soo xiriiro.

Waxaa sidoo kale ka wici kartaa kooxda Taageerada Macmiilka ee Daryeelka Caafimaadka ee DHS lambarka 651-431-3994 ama 800-366-5414 si aad u codsato in codsiga boostada laguugu soo diro.

Mareegta COVID-19 si fudud ayaa looga heli karaa goobta baaritaanka iyo tallaalka ee kuu dhow, waxay bixisaa macluumaad guud oo la xiriira dillaacida COVID-19, waxayna ku bixisaa qalab baaritaan oo isdhexgal leh si ay kaaga caawiso inaad go'aansato inaad rabto baaritaan ama tallaal, ama inaad raadinayso caymiska loogu talagalay daawaynta COVID-19.

Barnaamijkan wuxuu waqtigiisa dhammaanayaa maalinta u dambeysa ee bisha markay dhammaato xaaladda degdega ah ee caafimaadka dadweynaha ee dawladda dhexe.

Haddii aad leedahay Kaalmada Caafimaadka ama MinnesotaCare

Haddii aad ka hesho caymiska daryeelka caafimaadkaaga adoo u marayo Kaalmada Caafimaadka ama MinnesotaCare, ma bixinaysid kharashka la wadaago, oo ay ku jiraan lacagaha go'an ee caymiska ama lacagaha la jaro, ee loogu talagalay ogaanshaha, baaritaanka iyo daawaynta COVID-19. health-care

Barnaamijyada daryeelka caafimaadka keliya waa qaar ka mid ah adeegyada adiga iyo qoyskaaga laga yaabo inaad u-qalmataan inaad heshaan. Kuwa kale waxaa ka mid noqon kara taageerada dakhliga, daryeelka ilmaha, guriyeynta iyo taageerada cunto.

income-rev child care assistance icon housing iconfood-nutrition-rev

back to top