skip to content
Primary navigation

Iyadoo dib-u-cusboonaysiintu bilaabanayso, dadka reer Minnesota ee haysta Caawimadda Caafimaadka (Medical Assistance) ayaa lagu boorinayaa inay eegaan boostadooda

2023-04-27

Minnesota waxay bilowday xaqiijinta u-qalmitaanka dadka ku jira barnaamijyada daryeelka caafimaadka dadweynaha.

Ogeysiisyada ayaa la gaarsiiyay ilaa 100,000 qof oo haysta Caawimaadda Caafimaadka (Medical Assistance) bishaan. Halka lagu gaaro Maajo 2024, hawlwadeenada gobolka, degmada iyo Qabiilku waxay eegi doonaan shuruudaha u-qalmitaanka 1.5 milyan oo qof.

Minnesota Department of Human Services iyo la-hawlgalayaasheeda waxay rabaan dadka u qalma caymiska inay sii haystaan caymiskooda. Mid ka mid ah afartii qof ee reer Minnesota ah ayaa haysta Caawimaadda Caafimaadka ama MinnesotaCare. Waayida caymisku waxay adkeynaysaa helitaanka daryeel caafimaad waxayna sii kala fogayn kartaa kala sarreynta caafimaadka.

"Aad bay muhiim ugu tahay dadku inay ilaashadaan caymiskooda caafimaadka," ayay tiri Guddoomiyaha Human Service Jodi Harpstead. "Fadlan cusbooneysii macluumaadkaaga xiriirka si aan kuula soo xiriirno oo ka eeg boostadaada macluumaadka muhiimka ah."

Dadka ka diiwaangeshan Caawimadda Caafimaadka iyo MinnesotaCare caadi ahaan waa in dib loo eego u-qalmitaankooga sannadkiiba mar si loo hubiyo inay u qalmaan. Habraacan waxa loo yaqaan dib-u-cusboonaysiin.

Dib-u-cusbooneysiinta ayaa joogsatay inta lagu jiray COVID-19. Taasi waxay ka caawisay reer Minnesota inay helaan daryeel caafimaad, waxay hoos u dhigtay heerka caymis la'aanta waxayna soo xaraysay balaayiin doolar oo federaalka ka timid si ay uga caawiso gobolka inuu daboolo kharashyada daryeelka caafimaadka iyo in dadka ay sii haystaan caymis. Ilaa 360,000 qof oo dheeraad ah ayaa iska diiwaan geliyay Caawimaadda Caafimaadka iyo MinnesotaCare, oo ah koror ka badan 30%.

Dib-u-cusbooneysiinta Caawimaadda Caafimaadku waxay socon doontaa bil kasta. Dadka haysta MinnesotaCare waxay heli doonaan ogeysiisyo xiliga dayrta.

Foomamka dib-u-cusboonaysiinta waxaa laguugu diri doonaa boostada. Buuxinta iyo dib u soo celinta sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah dukumeenti kasta oo lagama maarmaan ah waxay ka caawin doontaa dadka inay caymis ku jiraan. Gobolku waxa kale oo uu dhisayaa habab fudud oo habraaca loogu dhammaystiro talefanka ama loogu soo gudbiyo dukumeentiyada si onlayn ah.

Halkan ka ogow wax badan oo ku saabsan dib u cusboonaysiinta, oo ay ku jirto sida loo cusboonaysiiyo macluumaadka xiriirka: https://mn.gov/dhs/renewmycoverage/

back to top