Waaxda Adeegyada Aadanaha waxaa ka go’an inay ka caawiso dadka Minnesota inay ku noolaadaan nolol caafimaad leh oo buuxda. Qayb ka mid ah ballanqaadkaas waa in la hubiyo in bixiyeyaasha adeeggu ay bixiyaan adeegyo tayo sare leh isla markaana ay u shaqeeyaan si waafaqsan sharciga.

Waaxdu waxay dhowaan dib u eegis ku samaysay oo xaqiijisay ku dhowaad 5,600 bixiye adeeg oo ku kala sugan gobolka Minnesota, si looga saaro bixiyeyaasha aan u hoggaansamin shuruudaha iyo kuwa laga yaabo inay ku lug leeyihiin khiyaano, kuwaas oo ka hawlgala 13 meelood oo ah adeegyada Medicaid kuwaasoo loo arko kuwo halis sare leh. Dhammaadka bisha May, bixiyeyaal badan ayaa laga saari doonaa barnaamijka. Hadafkeenna waa inaan taageerno sii wadidda helitaanka daryeelka inta lagu jiro muddada bixiyeyaasha laga saarayo barnaamijka, isla markaana aan idinla wadaagno agabyo iyo macluumaad kaa caawinaya inaad daboosho baahiyahaaga.

Maxay tani micnaheedu iiga dhigan tahay?

Bixiyeyaasha laga saaray barnaamijka waxay dooran karaan inay si joogto ah u xiraan adeeggooda ama ay racfaan qaataan. Bixiyeyaasha racfaanka qaata waxay sii wadi karaan bixinta adeegyada inta lagu jiro muddada racfaanka.

Haddii bixiyahaaga adeeggu si joogto ah u xirmo, tallaabooyinka soo socda qaad si aad u xaqiijiso in baahidaada adeegga la buuxiyo.

Sida loo helo adeeg bixiye cusub

Haddii aad leedahay maareeyaha kiiska ama isku-duwaha daryeelka ee dhanka degmada, hay'ad qandaraas lala galay, Qabiilka Asalka ee Mareykanka ama qorshe caafimaaad:

La xiriir maareeyaha kiiskaaga ama isku-duwaha daryeelkaaga si aad ugala hadasho adeeg-bixiyeyaasha kale ee jira ee ku habboon baahiyahaaga.

Haddii aadan lahayn maareeye kiis ama isku-duwe daryeel, waxaad isticmaali kartaa tilmaamahan si aad deegaankaaga uga hesho adeeg-bixiyeyaal cusub:

  • Tilmaamaha Bixiyaha Barnaamijyada Daryeelka Caafimaadka ee Minnesota (Minnesota Health Care Programs Provider Directory): Waxaad ka heli kartaa macluumaadka xiriirka bixiyeyaasha Minnesota iyadoo loo kala saaray nooca taageerada aad u baahan tahay. Haddii aad adeegyada caafimaadka ku hesho qorshe caafimaad, ha isticmaalin hagahan.
  • Kooxaha Caafimaadka Maskaxda ee Dadka Waaweyn ee Degmada (County Adult Mental Health Teams): Waxay bixiyaan qiimeyn, gudbin (referrals), maareynta kiisaska, iyo taageerada xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka maskaxda. Haddii aadan garanayn sida loola xiriiro kooxda caafimaadka maskaxda ee degmadaada, ka wac United Way 211 lambarka 1-800-543-7709 ama wac 211, ama booqo bogga internedka ee 211unitedway.org.

Kheyraad Dheeraad ah iyo Taageero

Ilaha kheyraadka ee u Doodista Qofka

La xiriir urur bixiya kaalmo sharci haddii aad u baahan tahay caawimaad ku saabsan sharciyada u dhexeeya kiraystaha iyo mulkiilaha guriga. Khadka HOME LINE wuxuu siiyaa kiraystayaasha gobolka oo dhan kaalmo bilaash ah ama qiimo jaban. Adeegyadooda khadka taleefanka iyo iimaylkaba waa kuwo xogtoodu asturan tahay. Waxa kale oo jira lambar bilaash ah oo loogu talagalay kiraystayaasha ku nool Greater Minnesota. Khadka HOME Line wuxuu bixiyaa adeegyo taleefan oo loogu talagalay dadka ku hadla Isbaanish, Soomaali, ama Hmong.

La xiriir xafiisyada Dhexdhexaadiyaha (Ombudsman) ee Minnesota si aad ugu sheegto xaaladdaada una hesho macluumaad ku saabsan xuquuqdaada.

Wax su'aalo ah ma qabtaa?

  • Wackhadka adeegga xubnaha (member services) ee qorshahaaga caafimaad haddii aad ku jirto qorshe caafimaad.
  • Ka wac xafiiska Taageerada Macaamiisha Daryeelka Caafimaadka (HCCS) si lagaaga caawiyo helitaanka adeegyada caymisku daboolay ee khidmadda leh, 651-297-3862 ama 1-800-657-3672 (Saacadaha shaqada: Isniin ilaa Jimce, 8:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo).
    • Dadka uu af Ingiriisiga ku yar yahay ama aan ku hadlin wuxuu xafiiska HCCS ee taageero macaamiisha siin karaa dadkaas adeegyo turjubaan oo bilaash ah.
    • TTTY: Haddii aad isticmaasho TTY, adeegga isgaarsiinta ee aad doorbidayso isticmaal.