lookup-tool-icon

Diyaar u noqo cusboonaysiinta caymiskaaga ee sannadka 2027

Ogow sida loo isticmaalo qalabka Raadinta Cusboonaysiinta ee Renewal Lookup Tool haddii aad filayso in lagaa dhaafi doono (exemption) shuruudaha shaqada ee Medical Assistance ama aad dhammaystiri doonto hawl u qalanta. Jawaabahaagu waxay naga caawin doonaan inaan u diyaar garowno cusboonaysiinta caymiskaaga ee sannadka 2027.

Soo sheeg shuruudaha lagaa dhaafay ama hawlaha u-qalma ee aad filayso

Isticmaal qalabka Raadinta Cusboonaysiinta ee Renewal Lookup Tool haddii aad filayso inaad u qalanto ka-dhaafitaanka shuruudaha ama aad rabto inaad soo sheegto hawl u qalanta.

Laga billaabo Janaayo 1, 2027, sharciga federaalku wuxuu ka doonayaa dadka qaarkood inay buuxiyaan shuruudo shaqo oo cusub si ay u sii haystaan caymiska caafimaadka ee Medical Assistance. Si ay u buuxiyaan shuruudahan cusub, waa inay leeyihiin ka dhaafitaan ama ay dhammaystiraan hawl u qalanta bil kasta tan iyo markii ugu dambaysay ee ay cusboonaysiiyeen caymiska Medical Assistance.

Waxaad naga caawin kartaa inaan u diyaar garowno cusboonaysiintaada caymiska ee 2027 adigoo hadda noo sheegaya haddii aad filayso inaad u qalanto ka-dhaafitaanka shuruudaha shaqada ee cusub ama aad filayso inaad dhammaystirto hawl u qalanta sida shaqo ama tabaruc ah iskaa wax u qabso. Nala soo socodsii arrintan adigoo adeegsanaya Qalabka Raadinta Dib-u-cusboonaysiinta ee Renewal Lookup Tool.

Bixinta macluumaadkan hadda qasab kuguma ahan oo haatan ma saameyn doonto caymiskaaga Medical Assistance, balse waxay fududayn kartaa hannaanka cusboonaysiintaada caymiska ee 2027.

U diyaargarow inaad bixiso saddex ka mid ah afartan xogood si loo xaqiijiyo aqoonsigaaga markaad isticmaalayso aaladda wax cusboonaysiinta:

  • Lambarka Kiiska
  • Lambarka qofka xubinta ah
  • Afarta lambar ee ugu dambeeya Lambarka Sooshal Sekuuritiga (SSN)
  • Taariikhda Dhalashada

Isticmaal qoraalka caawinta (help text) ee aaladda si uu kaaga caawiyo helitaanka lambarka kiiskaaga iyo lambarka xubinnimadaada. Waxa kale oo uu ku tusayaa tusaalooyin ogeysiisyo kala duwan iyo kaararka aqoonsiga xubnaha.

lookup-tool-interface
 

attest-exemptions

Ma filaysaa inaad u qalanto ka-dhaafitaanka shuruudaha?

Marka hore, waxaa lagu weydiin doonaa inaad bixiso faahfaahin ku saabsan ka-dhaafitaannada shuruudaha suurtagalka ah ee shuruudaha shaqada. Xulo dhammaan sababaha aad u maleyneyso inaad u qalmi karto ka dhaafidda shuruudaha.

 

Haddii aadan filayn inaad u qalanto ka-dhaafitaan shuruud, xulo “Midkoodna Ma ahan" (None of These) oo ku taal dhammaadka liiska. Kadib waxaa lagu weydiin doonaa inaad noo sheegto hawlaha aad filayso inaad qaban doonto.

Hoos ka akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ka-dhaafitaannada shuruudaha iyo hawlaha u-qalma si aad u barato shuruudahaan.

telehelp-icon

Su’aalo ma ka qabtaa aaladdan?

Haddii aad qabtid su'aalo ama aad u baahan tahay caawimaad, fadlan la xiriir hagaha daryeelka caafimaadka.

attest-requirements
 

Shuruudaha shaqada

Laga billaabo Janaayo 1, 2027, qaar ka mid ah dadka waaweyn waxay u baahan doonaan inay buuxiyaan shuruudo cusub oo shaqo ama soo sheegaan haddii laga dhaafay arrimahaas si ay u helaan ama u sii haystaan caymiska Medical Assistance.

Bishii Juun 3, 2026, Xarunta Federaalka ee Adeegyada Medicare & Medicaid waxay soo saartay xeer ku-meel-gaar ah oo degdeg ah oo ku saabsan shuruudaha ka-qaybgalka bulshada, kuwaas oo badanaa loo yaqaan shuruudaha shaqada. Waxaan dib u eegaynaa xeerkan si aan u fahanno saameynta uu ku yeelanayo caymiska MA ee Minnesota. Macluumaadka boggan ku qoran waa la beddeli karaa. Fadlan dib u soo noqo oo la soco farriimaha kale ee ka imanaya Waaxda Adeegyada Aadanaha (Department of Human Services).

star-icon

Shuruudaha shaqadu aniga ma i khuseeyaan?

work-requirement-icon

Isbeddelkani wuxuu khuseeyaa dadka waaweyn ee doonaya inay iska diiwaangeliyaan ama ka diiwaangashan caymiska MA kuwaas oo:

  • Da’doodu u dhaxayso 21 ilaa 64 jir
  • Aan la noolayn carruurtooda ka yar 19 jir
  • Aan uur lahayn
  • Aan ku helin caymiska MA sababo la xiriira naafannimo

Wax saameyn ah arrintan kuguma yeelanayso haddii aad:

  • Ku hesho caymiska MA sababo la xiriira naafannimo
  • Tahay waalid la nool carruurtaada ka yar 19 jir
  • Tahay 65 jir ama ka weyn
  • Tahay 20 jir ama ka yar
  • Uur leedahay

Siyaabaha lagu buuxin karo shuruudaha shaqada

Waxaad buuxin kartaa shuruudaha shaqada adigoo:

  • Helaya dakhli shaqo laga kasbaday ama dakhli aan shaqo laga kasban kaasoo ugu yaraan ah $580 hal bil gudaheed, iyadoon loo eegayn inta saacadood ee la shaqeeyay
  • Ah shaqaale xilliyeed leh celcelis dakhli bille ah oo ah $580 lixdii bilood ee hore, iyadoon loo eegayn inta saacadood ee la shaqeeyay
  • Ka shaqaynaya ugu yaraan 80 saacadood hal bil gudaheeda shaqo ama ganacsigaaga gaarka ah
  • Samaynaya adeeg bulsho ama tabaruc oo ah ugu yaraan 80 saacadood hal bil gudaheeda
  • Ka qaybgalaya barnaamij shaqo ugu yaraan 80 saacadood hal bil gudaheeda
  • Dhiganaya iskool ama barnaamij tababar xirfadeed ugu yaraan nus-maalin
  • Buuxinaya isku darka mid kasta oo ka mid ah kuwa kor ku xusan taasoo ay wadartoodu tahay 80 saacadood hal bil gudaheed
shield-icon

Ka dhaafidda qofka laga dhaafo shuruudaha shaqada

Waxaa laga yaabaa in lagaa dhaafo shuruudaha shaqada haddii aad tahay:

  • Hindida Maraykanka ama Dhaladka Alaska
  • Xubin ka tirsan qoys hela Barnaamijka Caawinta Nafaqada ee SNAP isla markaana ay ku khuseeyaan xeerarka shaqada ee SNAP
  • Qof buuxinaya shuruudaha shaqada ee Barnaamijka Maalgashiga Qoyska ee Minnesota (MFIP)
  • Qof ka qaybgalaya barnaamijka daaweynta iyo dhaqan-celin balwad ee la xiriira daroogada ama khamriga
  • Qof caafimaad ahaan jilicsan: Waxaad la nooshahay xaalad caafimaad oo daran, adag, ama joogto ah, ama waxaad heshaa daaweyn ama daryeel joogto ah.
  • Daryeele caawiyo qof naafo ah
  • Askartii hore oo leh naafo si buuxda loo qiimeeyay
  • Qof hadda ku jira xabsi ama jeel
  • Qof dhawaan laga sii daayay xabsi ama jeel
  • Qof dhawaan daryeel ka helay isbitaal, xarun kalkaaliso, isbitaalka dhimirka, ama goob la mid ah
  • Qof u safray meel ka baxsan bulshadaada si aad u hesho daryeel caafimaad adiga ama qofka kugu tiirsan
  • Qof ku noolaa degmo leh xaalad degdeg ah oo federaalku ku dhawaaqay (sida masiibo dabiici ah)
  • Qof ku noolaa degmo leh heer shaqo la’aan aad u sareysa (8 boqolkiiba ama 1.5 jeer in ka badan heerka shaqo la’aanta qaranka)
  • Dadka da'doodu u dhaxayso 21 ilaa 25 jir ee ku jiray daryeelka korinta carruurta (foster care) markay jireen 18 sano
 

Do this now if work requirements will apply to you

telehelp-icon

Hel caawimaad

Waxaad heli kartaa caawimaad bilaash ah oo ka timaadda qof hage ah. Booqo www.mnsure.org/somali/free-help.