Dib u cusboonaysiin lix biloodle ah

Laga biLlaabo 2027, qaar ka mid ah dadka waaweyn ee hela Medical Assistance waxay yeelan doonaan cusboonaysiin lixdii biloodba mar halkii ay ka ahaan lahayd hal mar sannadkii.

star-icon

Cusboonaysiinta lixdii biloodba mar aniga ma i khuseeysaa?

six-month-renewals-icon

Isbeddelkani wuxuu khuseeyaa dadka waaweyn ee ku diiwaangashan caymiska MA kuwaas oo:

  • Da’doodu u dhaxayso 21 ilaa 64 jir
  • Aan la noolayn carruurtooda ka yar 19 jir
  • Aan uur lahayn
  • Aan ku helin caymiska MA sababo la xiriira naafannimo

Wax saameyn ah arrintan kuguma yeelanayso haddii aad:

  • Ku hesho caymiska MA sababo la xiriira naafannimo
  • Tahay waalid la nool carruurtaada ka yar 19 jir
  • Tahay 65 jir ama ka weyn
  • Tahay 20 jir ama ka yar
  • Uur leedahay
  • Yihiin Hindida Maraykanka ama Dhaladka Alaska
 

Samee tan hadda haddii cusboonaysiinta lixdii biloodba mar ay ku khuseeyaan

telehelp-icon

Hel caawimaad

Waxaad heli kartaa caawimaad bilaash ah oo ka timaadda qof hage ah. Booqo www.mnsure.org/somali/free-help.