Isbeddellada ku saabsan qaar ka mid ah dadka waaweyn ee aan muwaadiniinta ahayn

Laga billaabo Oktoobar 1, 2026, sharciga federaalku wuxuu beddelayaa cidda u qalmi karta caymiska Medical Assistance ee ay maalgeliso dowladda federaalka iyadoo lagu salaynayo xaaladda socdaalka.

star-icon

Tani aniga ma i khuseysaa?

Tani waxay khuseysaa dadka waaweyn ee aan muwaadiniinta ahayn ee da’doodu tahay 21 jir ama ka weyn oo aan uur lahayn kuwaas oo leh xaalado socdaal oo gaar ah sida qof qaxooti ah, magangelyo-doon la aqbalay, dadka Afgaanistaan iyo Yukrayn ee ku jooga oggolaansho bani’aadamnimo (humanitarian parole), dhibbanayaasha ka ganacsiga dadka, iyo dadka aan muwaaddiniinta ahayn ee la dhibaateeyay.

Juun 2026 gudaheeda, Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota waxay boostada kuugu soo diri doontaa warqad haddii macluumaadka kiiskaagu uu muujinayo in isbeddelkan adiga ku khuseeyo.

noncitizen-icon

Maxaan filan karaa?

  • Inta u dhexeysa dabayaaqada Agoosto iyo horraanta Sebtembar 2026, waxaan dib u eegi doonnaa kiisaska caymiska MA ee dadka laga yaabo inaysan mar dambe u qalmin caymiska MA iyadoo lagu salaynayo xaaladdooda socdaalka. Haddii aadan mar dambe u qalmin, waxaan boosto kuugu soo diri doonnaa ogeysiis sheegaya in caymiskaaga MA uu dhammaan doono Sebtembar 30, 2026.
  • Waxaa laga yaabaa inaad u qalanto caymiska MinnesotaCare ama barnaamij kale oo daryeel caafimaad haddii aad si sharci ah ugu joogto dalka isla markaana aad buuxiso shuruudaha kale ee barnaamijka. Waxaan kuu soo diri doonnaa codsi haddii loo baahdo macluumaad dheeraad ah si loo go'aamiyo inaad u qalanto caymiska.

Yaa weli u qalmi doona caymiska Medical Assistance?

Laga billaabo Oktoobar 1, 2026, u-qalmitaanka caymiska Medical Assistance ee dadka waaweyn ee aan muwaadiniinta ahayn ee da’doodu tahay 21 jir ama ka weyn oo aan uur lahayn wuxuu ku koobnaan doonaa:

  • Dadka haysta sharciga deggenaanshaha joogtada ah (LPRs ama “dadka haysta giriin kaarka”) ee buuxiya muddada sugitaanka shanta sano ama buuxiya ka-reebitaanka shuruudaha
  • Soo galootiga Kuuba ama Heeti
  • Muhaajiriinta ku hoos jira Heshiiska Xiriirka Xorta ah (COFA) – dadka muwaadiniinta u ah Micronesia, Palau iyo Jasiiradaha Marshall.

Caymiska Medical Assistance wuxuu sii ahaan doonaa mid ay heli karaan dadka aan muwaadiniinta ahayn:

  • Carruurta ka yar 21 jir oo si sharci ah dalka ugu sugan
  • Haweenka uurka leh iyadoon loo eegin xaaladdooda socdaal
 

Samee tan hadda haddii isbeddellada dadka aan muwaadiniinta ahayn ay ku khuseeyaan

telehelp-icon