Caymiska dib-u-dhaqangalka ah
Caymiska Medical Assistance ee bixintiisu tahay mid dib-u-dhaqangal ahi wuxuu u oggolaanayaa dadka u qalma inay helaan caymis gaari kara ilaa saddex bilood ka hor taariikhda codsigooda, haddii ay heleen adeegyo uu caymiska Medical Assistance daboolay muddadaas.
Laga billaabo Janaayo 1, 2027, sharciga federaalku wuxuu gaabinayaa muddada dib loogu noqon karo ee uu caymiska Medical Assistance ku bixin karo adeegyada la helay ka hor bisha uu qofku codsaday caymiska. Hase yeeshee, Golaha Sharci-dejinta Minnesota wuxuu u codeeyay in la sii wado saddex bilood oo caymis dib-u-dhaqangal ah ilaa hal sano oo dheeraad ah. Taas macnaheedu waa in caymiska dib-u-dhaqangalka ah ee muddadiisa la dhimay uu billaaban doono Janaayo 1, 2028. Minnesota waxay sii wadi doontaa saddex bilood oo caymis dib-u-dhaqangal ah inta lagu jiro 2027.
Marka isbeddelku dhaqan galo 2028, caymiska Medical Assistance ee dib-u-dhaqangalka ahi wuu ka yaraan doonaa saddexdii bilood isagoo noqon doona hal bil dhanka dadka waaweyn ee da’doodu u dhaxayso 21 ilaa 64 jir ee aan lahayn carruur ku tiirsan, haweenka aan uurka lahayn isla markaana aan u qalmin caymiska Medical Assistance sababo la xiriira naafannimo. Dhammaan dadka kale, muddada dib-u-dhaqangalka ahi ee caymiska waxay noqon doontaa laba bilood.
Tani aniga ma i khuseysaa?
Isbeddelkani wuxuu saameyn ku yeelan karaa dadka codsanaya caymiska Medical Assistance ka dib marka ay helaan daryeel caafimaad. Waxa kale oo uu kordhinayaa muhiimadda ay leedahay in caymiskaaga uu ahaado mid sii socda. Haddii qof uu waayo caymiskiisa sababtoo ah wuxuu seegay cusboonaysiinta, ama kama uusan jawaabin ogeysiis loo soo diray, ama waxaa dhacday in xogta qaabka lagula soo xiriiro aysan sax aheyn, waxaa laga yaabaa inuu helo caymis dib-u-dhaqangal ah kaasoo muddo ahaan yar haddii ay u baahdaan inay dib u codsadaan goor dambe.
Waxa aad hadda samayn karto
Haddii aadan lahayn caymis, codso caymiska Medical Assistance.
Haddii aad leedahay caymiska Medical Assistance, samaynta waxyaabahan waxay kaa caawin kartaa inaad sii haysato caymiskaaga:
Hel caawimaad
Waxaad heli kartaa caawimaad bilaash ah oo ka timaadda qof hage ah. Booqo www.mnsure.org/somali/free-help.