Ma dhawaan ayaad guurtay, mise qorshaynaysaa inaad guurto? Cinwaankaaga ama macluumaadka lagaala soo xiriiri karo ma isbeddeleen?

Haddii aad haysato caymiska Medical Assistance ama MinnesotaCare, maanta cusboonaysii cinwaankaaga, lambarka telefoonkaaga iyo iimaylkaaga. Tani waa muhiim si aan kuula soo xiriirno oo aan kuu soo gaarsiino macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan caymiskaaga.

Tallaabooyinka lagu cusboonaysiinayo cinwaankaaga

icon of a magnifying glass

Raadi cinwaanka boostada ee ku qoran diiwaanka caymiskaaga caafimaadka.

Isticmaal meeshan cusboonaysiinta laga eego Renewal Lookup Tool si aad u hubiso cinwaankaaga.

Haddii cinwaanku khaldan yahay:

Isticmaal meeshan cusboonaysiinta laga eego Renewal Lookup Tool si aad u ogaato haddii aad leedahay caymiska Medical Assistance ama MinnesotaCare. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad ogaato cidda aad la xiriirayso si aad u cusboonaysiiso cinwaankaaga.

icon of a directory

Haddii aad leedahay caymiska Medical Assistance

Haddii aad leedahay Medical Assistance, ama qoyskaaga uu leeyahay labadaba Medical Assistance iyo MinnesotaCare, la xiriir degmadaada (county) ama Qabiilkaaga Asalka ah (Tribe) si aad u cusboonaysiiso cinwaankaaga. Markaad la xiriirayso degmadaada ama Qabiilkaaga Asalka ah, hubi in lambarka telefoonkaaga iyo iimaylkaaguna ay sax yihiin.

retro-style phone handset

Haddii aad leedahay caymiska MinnesotaCare

Haddii aad leedahay MinnesotaCare oo uusan qof kale oo qoyskaaga ka tirsan lahayn Medical Assistance, wac Taageerada Macaamiisha Daryeelka Caafimaadka ee DHS Health Care Consumer Support si aad u cusboonaysiiso macluumaadka lagula soo xiriiri karo: 651-297-3862 haddii aad ku sugan tahay aagga magaalooyinka mataanaha ah (Twin Cities metro area), ama 800-657-3672 oo bilaash ah haddii aad ka baxsan tahay aagga Twin Cities. Hubi in lambarka telefoonkaaga iyo iimaylkaaguba ay sax yihiin marka aad la hadlayso shaqaalaha.