Daawooyinka Kofid-19
Waxaa loo diyaariyey daawooyin dadka reer Minnesota ee qaada cudurka Kofid-19 kuwaas oo halisk ugu jira inay aad u xanuunsadaan sabab la xiriirta da’dooda oo weyn iyo iyagoo qaba duruufo caafimaad.
Daawooyinkaan waxay ka hortagi karaan xanuuno aad halis u ah, isbitaal in qofka la dhigo, iyo dhimasho ay sababtay cudurka Kofid-19. Haddii aad xanuunkaan qabto ama halis oogu jirtid waxaa muhiim ah inaad is daawaysid si dhaqsa ah si aad isaga ilaalisid xanuun halis ku ah naftaada.
Ka daalaco boggaan macluumaad ku saabsan daawooyinka aad heli kartid si aad isku dawaysid iyo kala doorashadooda.
Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota qeybteeda Kofid-19 teleefanka dadweynaha waxay kaa caawin karaan inay ku fahamsiiyaan kala doorashada daaweynta, waxaa kale ay kugu hagayaan inaad hesho macluumaad lagaana caawiyo baahida luuqada. Fadlan wac lambarkaan: 1-833-431-2053. Isniin ilaa Jimce. Saacadda: 9-ka subaxnimo ilaa 7-da habeenimo, Sabti: 10-ka subaxnimo ilaa 6-da galabnimo.
KANIINIGA LOO ISTICMAALO KOFID-19:
Maxay yihiin? Waa labo kaniini uu dhakhtarka qoro kuwaas oo loo diyaarshay si loogu daaweeyo dadka reer Minnesota ee halista ugu jira cudurada khatarta ah sida daawa Parxlovid ee loogu tala galay (12 jir iyo wixii ka weyn) iyo kaniiniga malnupirayir oo loogu talagaly (18 jir iyo wixii ka weyn). Daawooyinkaan waxay beegsadaan qeybo gooni ah waxayna hoos u dhigaan in fayraskaan uu jirka ku faafo.
Kaniiniyadaan waxaa loogu talagalay dadka qaba Kofid-19 balse uusan xanuunkooda badneyn kuwaas oo khatar ugu jira cudur halis ah. Waxaa jira sababo badan oo naftaada galinaya halis weyn ee xaaladahaas fadlan ka daalaco halkaan CDC: People with Certain Medical Conditions.
Daawadu waxay waxtar leedahay markii la qaato shan maalmood gudahood markaad isku aragto calaamadaha sidaa daraadeed la xiriir bixiyaha caafimaadka haddii aad leedahay calamaadaha iskana baar Kofid-19.
Sidee ku helaa? Kaniiniga Kofid-19 waxaad heli kartaa marki uu dhaqtar kuu qoro kaliya. Daryeel caafimaad bixiye ayaa go’aamin kara inaad u baahantahay inaad qaadatid kaniiniga Kofid-19 markuu qiimeeyo calaamadaha iyo xaalada aad ku sugantahay, natiijada barista, taariikhda caafimaadkaaga, iyo xaaladadhaaga daawooyin ee aad ku sugantahay. Kaniinga Kofid-19 qof kasta kuma haboona marka waa muhiim in aad u sheegtid caafimad bixiyahaaga macluumaad dhamaystiran oo ku saabsan taariikhdaada caafimaad khaasatan xaaladaada aad hadda ku sugantahay.
Dhakhtarkaaga La xiriir: Haddii aad leedahay daryeel caafimaad bixiye baaristana sheegtay inaad qabtid cudurka Kofid-19 iyaga la xiriir si ay u go’aamiyaan inaad u baahanthaay kaniinga Kofid-19 iyo inaad heshid warqada dhaqtarka ee daawada. Daryeel bixiyaal caafimaad oo badan waxay kaa baari karaan cudurkaan ama eegi karaan baaris meel kale aad ku samaysay sida guriga inaad isku baartay. Haddii aad u qalantid daaweyn daryeel bixiyahaaga wuxuu u dirayaa farmashiyaha warqada daawada. Farmashiyayaal badan oo ku yaal Minnesota waxay hayaan kaniinga Kofid-19 wayna ku siin karaan.
Barnaamijka Test-to-Treat: Waa qaab kale oo aad ku heli karto kaniiniga Kofid-19 haddii aadan haysin dareyeel bixiye caafimaad, waxaad u baahantahay inaad booqato farmashiyaasha ama daryeel bixiyayaasha caafimaad oo qeybta ka ah barnaamijka Test-to-Treat. Halkaas waxaad ka helaysaa barista cudurka Kofid-19, haddii aad qabtid cudurkaan waxaa xaaladaada qiimeenaya daryeel bixiye halkaas jooga. Haddii aad u qalantid daaweynta waxaad heli kartaa warqada daawada iyo kaniiniga si isku mar ah.
Xarumaha baarista dadwaynaha ee loo yaqaan Test-to-Treat waxay ku yaalaan goobo badan oo gobolka Minnesota ka mid ah waana diyaar, waxaana ka mid ah farmashiyaasha iyo xarumaha ay aqoonsantahay dawladda Federaalka (FQHCs). Dawladda federaalka ah waxay leedahay tilmaame ku tusinaya halka aad ka heli kartid goobta. Qaar ka mid ah goobahaan waxay u baahan yihiin inaad ballan ka samaysato. Wixii faah faahin fadlan ka eeg halkaan Department of Health and Human Services.
Waxaa ku baari kara kuna daaweyn kara deeq bixiyahaaga caafimaad kuwaas oo kuu qori kara kaniiniga ka hortagga fayraska, kuwaas oo laga helo goobaha lagu bixiyo daawada.
Xarumaha barista iyo daawada ee loo yaqaan Test to Treat waxaad ka wici karwtaa lamabarkaan 1-800-232-0233 iyo (1-888-720-7489) 7-da subaxnimo ilaa 11-ka habeenimo, waxayna furantahay todobo maalmood usbuucii. Dadka lixaadkooda aan dhameyn waxay eegi karan halkaan Disability Information and Access Line (DIAL) si ay u helaan adeeg. Haddaad doonaysid in lagu caawiyo wac lambarkaan 1-888-677-1199, Isniin ilaa Jimce laga bilaabo saacada 8-deeda subaxnimo ilaa 7-da habeenimo, ama kala xiiriir email-kaan DIAL@usaginganddisability.org.
Telehealth: Gobolka Minnesota, oo ay iskaashanayaan Cue Health, waxa uu leeyahay barnaamij telehealth baaris-lagu-daaweynayo oo bilaash ah, halkaas oo dadka Minnesota ku nool ee laga helo cudurka ama kuwa leh astaamaha ee la yeeshay xiriir dhow qof qaba COVID-19, ay la xiriiri karaan takhtar si muuqaal ah, si ay u ogaadan in ay tahay inay qaataan dawooyinka COVID-19. Haddii ay u qalmaan, dakhtarka ayaa u qori kara warqadda daawada qofka farmashiyahiisa, ama meelo ka mid ah gobolka, dawada dhakhtarka qoray, waxaa la geyn karaa guriga qofka. Wax badan ka baro Telehealth. .
Ka hortagga iyo Daawaynta Faryraska:
Maxay tahay? Waa nooc kale oo qaab faleebo ahaan ah dadka lagu daaweeyo taas oo la dhaho remdesivir waxaana heli kara dadka qaarkiis kuwaas oo qaba Kofid-19. Remdesivir waxaa ansixiyey hay’adda FDA si loogu daaweeyo dadka khatarta ugu jira inuu naftooda wax yeeleeyo cudurka Kofid-19.
Remdesivir waxaa sidoo kale loo isticmaalaa in lagu daweeyo bukaanka kuwaas oo isbitaal u gala xanuunada halista ah kuwaas ay sababaan Kofid-19. Haddii aad isbitaal u gashay Kofid-19 dartiis bixiyaha daryeelkaaga caafimaad ayaa go’aaminaya haddii aad u baahantahay daawada remdesivir iyo haddii kalaba.
Sideen ku heli karaa? Remdesivir waxaad heli kartaa oo kaliya markaad la hadasho bixiyaha daryeelkaaga caafimaad mana heli kartid daawadaan remdesivir si iskaa ah.
Remdesivir waa inaad u bilaawdid si dhaqso ah makraad isku aragtid astaamaha iyadoo looga baahan yahay bukaan-socodka inay todobo bari gudadood u bilaabaan. Waa u muhiim dadka ku sugan xaalad khatar ah inay la xiriiraan bixiyaha daryeelkooda caafimadaad haddii ay isku arkaan calaamadaha lagana helo cudurka Kofid-19. Daawada waa faleebo waxaana la qaataa seddex bari oo isku xiga.
Caymiska iyo Kharashka:
La hadal bixiyaha daryeelkaaga caafimaad ama farmashiyaha haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan kharashka daaweynta.
Dawladda federaalka ah waxay iibisay sahayda iyo kaniiniyada Kofid-19 iyo daawada jir difaaca ee Monoclonal si bukaanka aysan ugu baahan inay jeebkooda ka bixiyaan daawa, inkastoo laga yaabo inay bixiyaan kharash kale.
Rugaha caafimaadka iyo farmashiyaasha iyo shirkadaha caymiska caafimaadka waxaa laga yaabaa inay qarash ku dalacaan daawaynta bukaanka oo ay ku jiraan kharashka adeegga, bixinta khidmadaha, ama lacag bixinta. La hadal bixiyaha daryeelkaaga caafimaad ama farmishiyaha haddii aad qabtid wax su’aal ah oo ku saabsan kharashaadka la xiriira helitaanka daawayn gaar ah.
Caymiska caafimaad wuxu dabooli karaa kharashaadka intiisa badan. Bukaan-socodka aan haysan caymis waxay ka heli karaan xarumaha bulshada ee khayraadka iyo adeega bulshada daawayn qiima jaban ama lacag la’aan ah. Booqo halkaanHRSA Health Center COVID-19 Therapeutics Program Participants si aad u heshid liiska xarumahaan.
Wixii faah-faahin dheeraaad ah eek u saabsan xarumaha daawaynta ee bulshada ee gobolka Minnesota ama kuwa heer federaal kuwaas oo bixiya adeegyada, ku booqo halkaan Minnesota Association of Community Health Centers.
Yaa la gudboon inuu qaato daawada Kofid-19:
Qof kasta oo laga helo Kofid-19 uma baahna in la daaweeyo. Daawaynta fayraska Kofid-19 waxaa loogu tala galay bukaanada isku arka calaamado khafiif ah ama dhexdhexaad ah todobo bari gudahood ama wax ka yar kuwaas oo aan ku jirin isbitaal, kuwaas oo khatar ugu jirka xanuuno halis ah.
Dadku sababo badan ayey halis u gali karaan. Kuwa ugu badan waa kuwa ka weyn 65 sano, cayilka, qaba xaalado caafimaad oo dabadheeraada sida wadna xanuun, sambabada ama ka jiran kilyaha, qaata daawooyin kuwaas oo caburiya jir difaacaaga ama qof uur leh. Si aad u hesho liiska sababa qofka halista galin kara, fadlan booqo CDC: People with Certain Medical Conditions.
Haddii aad khatar ku sugantahay iskuna aragtid calaamadaha cudurka Kofid-19 si dhaqso ah isku baar. Haddaad iska heshid la xiriir bixyaha daryeelkaaga caafimaad si dhaqsa ah xataa haddii calaamadahaagu khafiif yihiin. Ha daahin ee dhaqso u biloow is daawaynta.
Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota qeybteeda Kofid-19 teleefanka dadweynaha waxay kaa caawin karaan inay ku fahamsiiyaan kala doorashada daaweynta, waxaa kale ay kugu hagayaan inaad hesho macluumaad lagaana caawiyo baahida luuqada. Fadlan wac lambarkaan: 1-833-431-2053. Isniin ilaa Jimce. Saacadda: 9-ka subaxnimo ilaa 7-da habeenimo, Sabti: 10-ka subaxnimo ilaa 6-da galabnimo.
Si aad u heshid macluumaad dheeri ah fadlan eeg COVID-19 Medication Options.
Maareynta jirada fudud ee Kofid-19:
Haddaad leedahay qandho, qufac ama calaamado kale waxaa laga yaabaa inaad Kofid-19 qabtid. Inta badan dadka waxay dareemaan jiro fudu oo lagu daawayn karo guriga. Bixiyaha daryeelkaaga caafimaad wuxuu ku talin kara arimaha hoos ku qoran si aad ooga nafistid calaamadaha iyo inaad dhistid jir difaacaaga dabiiciga ah.
- Daawada inaad qaadato sida acetaminophen ama xanuun baa bi’iye uvyrifeb si aad u yareeso qandhada
- Biyo cab ama qaado intravenous dareerayaal si jirka biyo u helo iyo
- Inaad nasatid si uu jirka ula dagaalamo fayraska
Halkaan ka baro waxa la sameeyo haddaad qabtid cudurkaan If You Are Sick or Test Positive.
Goorta la raadsado daryeel caafimaad oo degdeg ah:
Haddii ay xaalada ay kasii darayso ama aad dareento khatar wac bixiyaha daryeelkaaga caafimaad si dhaqsa ah. Calaamada halista ah waxaa ka mid ah:
- Neefta oo ku dhibaysa
- Xanuun ama cadaadis dhanka xabadka ah
- Inaad wareerto ama istaagi Karin
- Bushimaha iyo wajiga oo buluug noqda
Dhaqtarkaaga wac ama rugta caafimaadka intaadan imaan ka hor. U sheeg calaamadahaaga si ay kuu siiyaan tilmaamo aad raacdid si naftaada iyo dadka kalaba u ilaalisid.