Waxaad u isticmaali kartaa baaritaanka iHealth xubnaha qoyskaaga ee jira 2 sano ama ka weyn wakhti kasta. Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay ku talinaysaa baaritaanka sababaha soo socda awgood:
Hadii aad iska dareento astaamaha COVID-19;
Aad ka agdhowaatay qof qaba COVID-19;
Laga yaabo inaad la kulantay qof qaba COVID-19;
Aad is baaraysid ka hor intaadan aadin kulan balaaran.