Barnaamijka Kaalmada Tamarta
Barnaamijka Energy Assistance Program wuxuu kaalmeeyaa bixinta biilasha kulaylinta iyo korontada. Kireystayaasha iyo mulkiilayaasha guryaha ayaa labada u qalmi kara. Barnaamijku waa bilaash waxaanu bixiyaa dheefo celceliski ah $550, iyo caawimo dheeraad ah oo xaaladaha degdega ah ee tamarta.
Linkiyo Degdeg ah
- Codsiga EAP - Ingiriisi (PDF la buuxin karo) - Codsigan waxa lagu soo gudbin karaa elegtarooni ahaan; codsiga faahfaahin ka eeg •
- Español (Spanish) (.pdf)
- Hmoob (Hmong) (.pdf)
- Soomaali (Somali) (.pdf)
- Tiếng Việt (Vietnamese) (.pdf)
- Preparing to Apply For Minnesota Energy (U diyaar garaw inaad codsato Kaalmada Tamarta ee Minnesota)
- Online Application Overview (Codsiga Kaalmada Tamarta ee onlaynka)
Tallaabooyinka Xiga
Codsiyaa waa in laga soo dhex gudbiyaa Jaalkaaga Kaalmada Tamarta ee Maxalliga ah.
TALLAABO 1. Raadi Jaal Kaalmo Tamareed (kaalmo ka waco 1-800-657-3710)
TALLAABO 2. La soo deg codsiga (PDF)
AMA
La xiriir jaalkaaga Kaalmada Tamarta ee maxalliga ah oo ka dlabo foomka codsiga.
AMA
Codsiga ku dalbo boosto ahaan adiga oo isticmaalaya foomka hoose.
TALLAABO 3. Codsiga aad soo buuxisay ku soo celi jaalkaaga Kaalmada Tamarta maxalliga ah.
TALLAABO 4. Inta kale Jaalkaaga Kaalmada Tamarta maxalliga ah baa dhameystiraya.
Toban Faa'iido Barnaamijka Kaalmada Tamarta
- Waa bilaash!
- Celceliska deeqdu $550.
- Jaalalka Kaalmada Tamarta ee Maxalliga ah waxay kaa caawin karaan codsigaaga!
- Deeqdu waxay ku salaysan tahay baaxada qoyska, dakhliga, iyo qiimaha kulaylinta iyo korontada.
- Celceliska dheefta waa $550, oo leh xadidka ugu sareeya ee $1,400, oo ku xidhan dakhliga qoyska iyo kharashka shiidaalka.
- Waa kuu shaqeynayaa haddii aad isticmaasho koronto, gaas dabiici ah, borobayn, saliidda kuleylinta ama shidaalka noolaha laga sameeyo.
- Deeqda waxa toos loogu shubayaa akoonkaaga shirkadda tamarta – annaga ayaa shaqadaas kuu qabaneynaa!
- Barnaamijku wuxu u furan yahay dadka kirada leh AMA guryaha leh.
- 1Waxaan sidoo kale kula qorsheyn karnaa in shidaal degdeg laguugu keeno, oo aanu kuu dayactirno ama kaa beddelno nidaamka kuleylinta haddii guriga adigu leedahay.