
Habka Baaritaanka Xuquuqda Madaniga ah
Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota (MDHR) waxay xoojisaa Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota, sharciga xuquuqda madaniga ah ee gobolka. Tallaabooyinka nidaamka baarista xuquuqda madaniga ah ayaa lagu qeexay hoos. Habka Baaritaanka Xuquuqda Madaniga ah (PDF).
- Wakhtiga xaddidan ee ay tahay in MDHR laga xareeyo dacwad waa hal sano laga bilaabo taariikhda dhacdada.
- Uma baahnid inaad haysato qareen si aad dacwad uga xarayso MDHR.
- Markasta, qofka xaraynaya eedeymaha takoorku wuxuu qaadi karaa tallaabo sharci oo gaar ah.