Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota (MDHR) waxay xoojisaa Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota, sharciga xuquuqda madaniga ah ee gobolka. Tallaabooyinka nidaamka baarista xuquuqda madaniga ah ayaa lagu qeexay hoos.
Fadlan ogow:
- Wakhtiga xaddidan ee ay tahay in MDHR laga xareeyo dacwad waa hal sano laga bilaabo taariikhda dhacdada.
- Uma baahnid inaad haysato qareen si aad dacwad uga xarayso MDHR.
- Markasta, qofka xaraynaya eedeymaha takoorku wuxuu qaadi karaa tallaabo sharci oo gaar ah.
Soo sheeg Takoor
MDHR waxay go'aamisaa in dhacdada la soo sheegay ay hoos timaado Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota.
- Haddii ayna hoos imanaynin, lama xaraynayo
- Waxaan siinaa wixii khayraad ah shaqsiga, haddii loo baahdo.
- Dhacdadu haddii ay hoos imanayso: eedeymaha waa la xarayn waxaana loo dirayaa cidda lagu eedeeyay takoortay.
Dhexdhexaadinta (iskaa uga qaybqaaasho)
Labada dhinacba waxay ku heshiiyaan inay la kulmaan dhexdhexaadiye si ay u xalliyaan kiiskooda.
- Xallin (Kiiska waa la xiray)
- Heshiis lama gaarin
Baaritaan
Kooxda baarista ayaa waxay sameeyaan baaritaan xaqiiqo raadin dhexdhexaad ah.
Go'aan qaadashada
Waxaan soo saarna go'aan lagu helay sabab macquul ah (ku xadgudubka Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota) ama in ayna jirin sabab macquul ah ( xad gudub ma dhicin).
- Ma jirto Sabab macquul ah (Kiiska waa la Xiray)
- Racfaan (ikhtiyaari) Dhinacyadu waxay rafcaan ka qaadan karaan natiijooyinka MDHR.
- Sabab macquul ah
- Racfaan (ikhtiyaari) Dhinacyadu waxay rafcaan ka qaadan karaan natiijooyinka MDHR.
Heshiisiin
Waxaan ka shaqaynaa in la gaaro xukmin heshiis ah si aan uga hortagno takoor mustaqbalka dhaca.
- Xallin (Kiiska waa la xiray)
- Wax heshiis ah lama gaarin:
- Talaabo sharci ah oo gaar ah (Kiiska waa la Xiray)
- Waaxdu waxay xaraynaysaa dacwad, uu matalayo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.