Adeegyada loogu talagalay Qoysaska Aagga Metro iyagoo ka jawaabaya walaacyada amniga dadweynaha [Qoraalkan waxaa lala xiriirin doonaa PDF la turjumay. Xiriir laga helo ilaha macluumaadka.]
Hoos waxaa ku qoran macluumaad lagu taageerayo qoysaska ku nool guud ahaan gobolka inta lagu guda jiro xaaladda amni ee isbeddeleysa ee ka dhalatay intii lagu guday jiray geeridii Daunte Wright yo kadib maxkamadeyntii Derek Chauvin.
Guud Ahaan
Hagaha adeegyada waalidiinta iyo qoysaska (Hmong, Soomaali iyo Isbaanish) Isbaanish) oo la xiriira COVID-19, oo ay ku jiraan taageerinka xag dhaqaalaha, daryeelka carruurta, caafimaadka maskaxda, iyo kuwa kale.
Baahiyaha Aasaasiga ah
United Way 211. Haddii aad u baahato cunto, alaab aasaasi ah, meel ammaan ah oo aad tagto, ama kheyraadyo kale, wac 2-1-1, u dir ZIP-koodkaaga fariin qoraal ah lambarka 898-211, ama booqo websaytka si aad ula sheekaysato Khabiirka Khayraadka Bulshada.
Hennepin County waxay kaa caawin kartaa inaad hesho dhar, kaalmo dhaqaale, raashin, daryeel caafimaad iyo qalab, iyo dawooyin. Wac 612-348-3000 laga bilaabo 8 subaxnimo - 8 fiidnimo, maalin kasta todobaadkiiba. Caawimaad ayaa lagu heli karaa luqado kala duwan. Booqo bogga Ilooyinka Bulshada ee Degmada Hennepin.
Ramsey County waxay bixisaa taageero iyo khayraad la xiriira caafimaadka, cuntada iyo waxay dabooshaa baahiyada aasaasiga ah, hoyga, shaqada, ganacsiyada yar-yar iyo waxyaabo kale. Fadlan booqo bogga ramseycounty.us/coronavirus ama wac 651-266-8500. Agabka iyo caawimaadda waxaa lagu heli karaa luqado kala duwan
Cunto
Barta Hunger Solutions iyo khadka caawinta waxay kugu xiri karaan goobaha cunto qaybin ee goobaha ay saameeyeen xaaladahaasi.Wac 888-711-1151 Isniin–Jimce 10 subaxnimo – 5 galabnimo. Caawimaad waxaa lagu heli karaa luqado badan.
Barta Wasaaradda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota ayaa bixisa macluumaad ku saabsan taageerada degdegga ah ee cuntada.
Liiska goobaha cunto qaybin ee Magaalada Minneapolis.
Daryeelka Carruurta
Qoysaska u baahan daryeelka carruurta waxay booqan karaan mn.gov/childcare ama wici karaan 1-888-291-9811.
Daryeel Caafimaad
Haddii aad la kulanto dhibaato helitaanka daawooyinka, waxaad qaadi kartaa tallaabooyinkan:
- La xiriir farmashiyahaaga, waxay laga yaabaa inay kuu habeeyan in aad daawada meel kale qaadato ama ay kuu soo diraan.
- La xiriir bixiyahaaga caymiska ama hay'adda daryeelka maareeya oo weydiiso caawimaad si aad u hesho farmashiyo furan oo diyaar u ah inay ku siiyaan daawadaada. Haddii aad ka diiwaangashan tahay Medical Assistance ama MinnesotaCare, lambarrada adeegyada xubnaha qorshaha caafimaadka waxaa laga heli karaa halkan.
- Haddii aad u baahan tahay in laguu wareejiyo xarun farmashiye oo kale, waxaa laga yaabaa inaad la xiriirto dhakhtarka kuu qoray daawada. Haddii loo baahdo, waxa laga yaabaa in farmashiyaha uu si degdeg ah u bixiyo dawo72-saacadood lagu isticmaali kari ilaa inta aad warqadda daawada ka heleysid.
- Haddii farmashiyahaaga joogtada ahi uu xiran yahay oo aadan awoodin inaad la xiriirto isaga ama dhakhtarka kuu qoray, waxaa suurtagal ah inaad si ku-meel-gaar ah uga hesho sahay daawo oo soconaysa ilaa 30-maalmood farmashi kale (marka laga reebo qaar ka mid ah dawooyinka si gaar ah loo xakameeyo). Farmashiyaha wuxuu u baahan doonaa macluumaad ku filan si si sax ah loo buuxiyo warqadda daawada, sidaa darteed waa inaad diyaar u tahay inaad bixiso macluumaad sida dhalo sumadaysan oo daawo ah ama daabacaad ka timid diiwaankaaga caafimaad ee internetka.
Si aad u hesho rugo caafimaad ee xag jireed, maskaxeed, ama ilkaha ah oo qiimo jaban ama bilaash ah, isticmaal Buugga Tilmaamaha Daryeelka Caafimaadka ee Raqiis ah ee Minnesota.
Haddii aad tahay xubin ka tirsan Barnaamijka Daryeelka Caafimaadka Minnesota (Medical Assistance ama MinnesotaCare) oo raadinaya bixiye adeeg caafimaad, waxaad ka raadin kartaa buugg MHCP Provider Directory ee bixiyeyaasha adeegga lacag-qaadashada. Haddii aad ku jirto qorshe caafimaad, la xiriir qorshahaaga caafimaad si ay kaaga caawiyaan helitaanka bixiyeyaasha adeegga iyo taageerada baahiyaha kale ee caafimaad, sida gaadiidka ballamaha.
Website-ka Gobolka Minnesota ee ku saabsan caymiska iyo caawinta daryeelka caafimaadka
Macluumaadka tallaalka COVID-19
Macluumaadka tijaabada COVID-19
Disability Hub MN (1-866-333-2466) waxay bixisaa adeeg bilaash ah, guud ahaan gobolka, oo ku saabsan macluumaad, gudbin iyo caawimaad si ay u taageeraan dadka naafada ah, dadka qaba cudurrada daba dheeraada iyo wakiiladooda si ay ula xiriiraan adeegyada bulshada.
Adeegyada Caafimaadka Maskaxda iyo Dhaawac Nafsiyeedka
Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota ilooyin loogu talagalay Bulshooyinka ay saameeyeen Dhaawacyada Jinsiyadeed.
Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota ee la xiriira Dhibaatada Bulshada iyo wixii ka dambeeya
Khadadka taleefoonka iyo mareegaha taageerada caafimaadka maskaxda. Dhacdooyinkii u dambeeyay waxay sabab u noqdeen walaac iyo dhaawac nafsiyeed oo dad badan saameeyay. Khadadka caafimaadka maskaxda waxay bixiyaan taageero bilaash ah dadka Minnesota ee la kulmaya walaac iyo dhibaatooyin nafsi ah.
Waraqdan talo-bixinta ee Maamulka Ka-hortagga Maandooriyaha iyo Adeegyada Caafimaadka Maskaxda (SAMHSA) Waxay soo bandhigaysaa calaamadaha murugada iyo xanaaqa ka dhalan kara rabshadaha bulshada, waxay bixisaa macluumaad faa’iido leh oo ku saabsan sida loola tacaalo murugada, waxayna soo jeedinaysaa talooyin ku saabsan sida carruurta loo caawiyo marka ay wajahaan murugo.