Bishii Juun, Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota waxay baaritaan ku saabsan xuquuqda madaniga ka bilawday Waaxda Booliiska Minneapolis. Baaritaankan lagu samaynayo xeerarKa iyo nidaamyada 10kii sano ee la soo dhaafay ayaa go'aan ka gaaraya in waaxda booliisku ay ku kacday dhaqamo takooris nidaamsan ah oo loo gaysanayo bulshooyinka midabka iyo bulshooyinka asaliga ah. Halka laga helo ku xadgudubyada xuquuqda madaniga, waaxdu waxay raadineysaa isbedel lagu sameeyo nidaaka.
Iyada oo qayb ka ah baaritaanka, Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota waxay jeclaan lahayd inay la hadasho xubnaha bulshada ee raba inay la wadaagaan wixii sheeko ah ee la xiriirta, iyadoon loo eegayn waayo-aragnimada ama natiijo, ku saabsan Waaxda Boliiska Minneapolis.