Sida Loo Garto loona Soo Sheego Khiyaanada Caymiska Medicaid
Ujeedada khiyaameeyaha waa inuu helo macluumaadkaaga gaarka ah adigoo isku qoraya barnaamijkiisa daryeelka caafimaadka. Markay helaan, waxay soo dallacanayaan biil adeegyo been abuur ah iyagoo magacaaga isticmaalayo. Ogaanshaha calaamadaha digniinta ayaa kaa caawin kara ilaalinta macluumaadkaaga gaarka ah iyo faa'iidooyinkaaga.
Ka fikir LABA JEER haddii qof:
- Ku siinayo abaalmarino lagu beddelanayo macluumaadkaaga, sida lacag caddaan ah, kaararka hadiyadda, adeegyada keenista cuntada bilaashka ah, lacagta gaadiidka lagu raaco, ama waxyaalo kale.
- Bixinayo gaadiid lagu tago daaweyn ka baxsan gobolka ama adeegyo kale.
- Kugu cadaadiyo inaad si degdeg ah wax u saxiixdo. Khiyaameeyayaashu badanaa waxay dadweynaha ka soo galaan goobaha dadku joogaan oo waxayna isku dayaan inay ku qasbaan go’aanno degdeg ah.
- Kugu dhaho adeeggu waa "lacag la'aan" misana uu ku weydiiyo aqoonsigaaga caymiska Medicaid si uu biil ugu dallacdo barnaamijka dowladda.
- Kuula soo xiriiro si lama filaan isagoo ku weydiisanayo aqoonsigaaga caymiska Medicaid, lambarka sooshaal sikuuritiga, ama macluumaadkaaga shakhsiyeed.
- Uu kaa codsado inaad saxiixdo foomam maran ama aad dhowr jeer saxiixdo waraaqo isagoon
- sharrixin sababta.
- Uu kugu dhaho adeegyadan ha u sheegin maareeyaha kiiskaaga, dhakhtarkaaga, ama waaxda MN DHS.
- Ku daro ogaansho cudur ama adeegyo aadan helin Warbixinta Faa’iidooyinkaaga.
Maxaan Sameeyaa Haddii Aan Ka Shakiyo Khiyaano?
SOO SHEEG. Khiyaanadu waa khiyaamo si ula kac ah loo sameeyo oo keenta faa’iido dhaqaale ama mid shakhsiyeed. Uma baahnid inaad hubto si aad u soo sheegto waxa walaaca kugu abuuraya. Haddii wax laga shakiyo kuu muuqdaan, ku kalsoonow dareenkaaga — tallaabooyinkaaga waxay kaa caawin karaan ilaalinta adiga iyo bulshadaada labadaba.
Soo Sheeg
651-431-2650 or 800-657-3750