State Fair Vaccine
Ka qaado tallaalkaaga Isu-imaatinka Weyn ee Minnesota (Great Minnesota Get-Together)!
Rugta Tallaalka Bulshada ee COVID-19 ee Bandhigga Gobolka Minnesota
Qaado cirbadaada. Hel $100!
Waaxda Caafimaadka ee Minnesota, Degmada Ramsey iyo Homeland Health waxay siinayaan dhammaan Aadayaasha bandhigga u qalma fursad ay ku duubtaan gacmahooda oo ay qaataan tallaalkooda COVID-19. Aadayaasha bandhiga waxay booqan karaan rugta tallaalka bulshada ee Xarunta North End Event Center si ay u helaan tallaalka Pfizer ama Johnson & Johnson (oo ku saleysan helitaanka), iyo muddo sugitaan gaaban ka dibna, ku noqo madadaalada Isu-imaatinka Weyn ee Minnesota. Dadka Minnesota ee jira 12 sano iyo ka weyn ayaa u qalma.
Dhiirrigelinta Tallaalka $100:
Kuwa ka qaata kuuradooda kowaad barta Bandhiga Gobolka Minnesota ee Talllaalka COVID-19 ee Rugta Tallaalka Bulshada waxay heli doonaan $100 kaarka hadiyadda Visa isla markiiba tallaalka kadib. Kaararka hadiyaddu waxaa heli doona 3,600 qof ee ugu horreeya ee ka qaata tallaalkooda kuurada kowaad ee Bandhigga Gobolka. Ha ka daahin!
- Waxaa lagaa rabaa inaad xirato maaskaro oo aad raacdo shuruudaha kala-fogaanta bulshada.
- Waxaad u baahan tahay inaad xaqiijiso magacaaga koowaad, magaca dambe, taariikhda dhalashada, iyo cinwaanka gurigaaga.
- UMA baahnid inaad tusto aqoonsi.
- UMA baahnid caymis caafimaad.
- Fasiraadda luuqadda iyo Luqadda Dhagoolaga Maraykanka (ASL) ayaa laga heli doonaa goobta iyadoo loo marayo language line.
- Qaabilaadda ADA ayaa laga heli karaa goobta.
- Khariidada iyo Barta Goobta Tallaalka COVID-19 ee Bandhigga Gobolka (PDF)