Tobanka faa'iidooyin ee Barnaamijka Caawinta Tamarta:
- Waa bilaash!
- Isku celceliska deeqda ayaa ka badan $1,000
- La-hawlgalayaasha bulshada ee maxalliga ah ayaa kaa caawin kara codsigaaga!
- Deequhu waxay ku salaysan yihiin tirada qoyska iyo dakhliga, iyo kharashyada lagama marmaanka ah(sida korontada)
- Ilaa $ 2,000 qoyskiiba - oo loogu talagalay biilasha kuleylka iyo korontada
- Waxa kale oo aad bixin kartaa dhammaan biilkaagii hore ee biyaha/biyaha wasakhda ah!
- Waxa ay shaqeysaa haddii aad isticmaasho koronto, gaaska dabiiciga ah, propane-ka, saliida kuleylaynta ama Shidaalka sida toos ah uga yimaada walxaha nool.
- Deeqaha waxaa lagu bixiyaa akoonkaaga shirkadda korontada ama bixiyahaaga – waanu kuu samaynaynaa!
- Barnaamijku wuxuu u furan yahay kiraystayaasha IYO mulkiilayaasha guryaha.
- Waxaan kale oo aanu diyaarin karnaa keenista shiidaalka sida degdega ah, oo waanu dayactiri karnaa ama bedeli karnaa nidaamyada kulaylinta jabay ee mulkiilayaasha guryaha.
Jid Gaaban
Soo hel lammaane Caawinta Tamartar
Talaabooyinkaaga xiga
Codsiyada waa in lagu soo gudbiyaa iyadoo loo soo maraayo la-hawlgalaha bulshadaada ee maxalliga ah.
TALLAABADA 1. Soo hel la-hawlgalaha bulshadaada ee maxalliga ah (wixii caawimo ah wac 1-800-657-3710) (wac 1-800-657-3710 si aad gargaar u hesho)
TALLAABADA 2. Soo dejiso codsiga(dukumenti ahaan si PDF-ah)
AMA
La xiriir la-hawlgalaha bulshadaada ee maxalliga ah oo ka codso arjiga
AMA
Ka codso arjiga si boosto ah adoo isticmaalaya foomka hoose
TALLAABADA 3. U soo celi arjigaagii oo dhammaystiran la-hawlgalaha-bulshadaada ee maxalliga ah.
TALLAABADA 4. La-hawlgalayaasheena Bulshada ayaa qaban doona inta soo hartay.