skip to content
Primary navigation

Nagala soo qayb gal si aan u dabaaldegno Hal Sanno oo laga joogo 'ilaa iyo Maalinta Tirakoobka (Census Day) Abriil 1, 2019

Abriil 1, 2019, waxay calaamadeyneysaa hal sano oo laga joogo ilaa iyo Maalinta Tirakoobka 2020, waxaanan ku dabbaaldegaynaa dhacdo bilaabata 10 subaxnimo illaa 11:30 subaxnimo meesha State Capitol ee St. Paul.

Fadlan nagala soo qayb gal si aad u muujiso taageeridaada dad tirinta buuxda ee Minnesota! Waxaan dooneynaa inaan soo bandhigno dhamaan dadka iyo bulshada Minnesota ee u soo baxaya inay hubiyaan in qof kasta oo ku nool Minnesota la tiriyo sannadka 2020.

Soo Jawaabid (RSVP) looma baahna laakiin waa la qadarin 

 RSVP Here

Faahfaahin

10 subaxnimo Kula kulan shaqaalaha Xarunta Tirakoobka Gobolka (State Demographic Center) Maqaayada Sarta Hafiiska Centennial (The Centennial Office Building Cafeteria) si aad u hesho funaanadaha bilaabida Tirakoobka 2020 iyo tabeelooyinka banaanbaxa iyo u socodka Capitol. Maqaayada Centennial Office Building, (dabaqa hoose,) wuxuu ku yaalaa Capitol complex, 658 Cedar Street North, St. Paul 55155.

11 subaxnimo U soo banaanbaxa Capitol! Guddoomiye Tim Walz Iyo Guddoomiye kuxigeenka Peggy Flanagan ayaa ka hadli doono muhiimnimada Tirakoobka 2020 iyo sida aynu dhammaanteen u wada shaqeyn karno si aan u hibino in qof kasta ee ku nool la tiriyo Tirakoobka 2020.

Banaanbaxa wuxuu ka dhici doonaa talaabooyinka/jaraanjarooyinka Capitol. Haddii uu Jawigu xun yahay, dhacdada waxaa lagu qaban doonaa Capitol rotunda. Macluumaad ku saabsan gaari dhigashada Capitol waxaa laga heli karaa halkan: http://bit.ly/VisitorMap

Haddii aad qabto wax su’aalo ah, fadlan kala soo xiriir xafiiskeena,  demography.helpline@state.mn.us

Aynu isku aragno Capitol maalinta 1-da Abriil!

Haddii aadan arki Karin badhanka soo jawaab (reply), waakan linki toos ah si aad u soo jawaabto (RSVP):https://mnadmin.wufoo.com/forms/m18r9re71rzfw5s/

back to top