Su’aalo (Questions & Answers)

Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan Laanta Xuquuqul Iisaanka Menesota

Waa maxay Laanta Xuquuql Iisaanka Menesota (MDHR: Minnesota Department of Human Rights)?

Laanta Xuquuqul Iisaanka Menesota waa laan gobol oo aan dhinacna taageersanayn oo baadha dacwada ku saabsan takoorka sharci darada ah.

Ilaa intee ayaan xarayn karaa dacwada takoorka?

Sanad laga bilaabo maalinta takoorku dhacay.

Ilaa intee ayey ku qaadanaysaa inay Laanta Xuquuqul Iisaanka Menesota baadho kiiska?

Waxay qaadan kartaa ilaa sanad laga bilaabo maalinta dacwada la xareeyey.

Miyaan u baahanahay gar yaqaan si aan dacwad laanta uga xareeyo?

Maya. Laakiin waad yeelan kartaa hadii aad mid doonaysid. Waa inaad adigu qabsataa kharashkiisa bixisaa. Anagu kuma siin karno talo siin sharci.

Waa intee qiimaha lagu xaraynayo dacwadu?

Qiime lagu xareeyo ma jirto.

Halkani riix si aad u heshid faylka loo yaqaan PDF wixii macluumaad dheeraada ee la xidhiidha:

  • Warqada Gudida Siniinta Shaqada
  • Sidii loo heli lahaa turjumaan
  • Laamo kale oo laga yaabo inay ku caawiyaan

Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan Laanta Xuquuqul Iisaanka MN (PDF 198kb)

Nala soo xidhiidh (Contact Us)

Ha sugin!

Mar marka qaarkood way adag tahay in layidhaa wuxuu takoorku yahay iyo wixii aan takoor ahayn – Marxalad kastaaba waa gaar. Laakiin hadii aad u malaynaysid inaad tahay dhibane takoor, ha sugin.

Si deg dega ula soo xidhiidh Laanta Xuquuqul Iinsaanka ee Menesota. Waxaad haysataa sanad inaad ku xaraysid takoor kaasi dhacay wixii ka dambeeya wakhtiga oo dhacay.

Waxaan telefoonka ka jawaabnaa Isniinta – Jimcaha, 8:00 subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo.

Telefoon: 651-539-1100
Khadka bilaashka ah: 1-800-657-3704
TTY: 651-296-1283 (Dadka maqalku ku adag yahay)

Sidii ee u heli lahayd turjumaan

Hadii aad u baahan tahay turjumaan si uu kaaga caawiyo inaad ula hadashid xafiiskayaga, anaga ayaa mid bilaash kugu siinayna. Waxaanu leenahay shaqaale ku hadla Af-Hamang iyo Ad-Isbaanish.

Nala soo hadal adiga oo odhanaya, (“I need a Soomaali interpreter.”)

Uma baahnid balan inaad xafiiskayaga ka dhigatid si aad u soo booqatid

Waxaanu qaabilnaa dadka lugta ku yimaada 9:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo, Isniin – Jimce.

Ciwaankayaga:
Minnesota Department of Human Rights
Freeman Building
625 Robert Street North
Saint Paul, MN 55155

Waxaad kalood warqad noogu soo qori kartaa ciwaanka dusha ku yaal.